Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ugu danbeyntii maanta hortegey kalfadhigii Baarlamaanka kadib markii uu horay uga baaqsadey laba jeer.
Wasiirka ayaa khudbad kooban u jeediyey Xildhibaanada, waxaana uu si gaar ah uga hadley arrin la xiriirta Xasaanadda Xildhibaanada oo mar mugdi la geliyey, wuxuu sheegay in uu amar bixiyey oo aan la baari karin Xildhibaanada Xasaanadoodu tahay mid laguma xadgudbaan ah. Wuixuu sheegay in qoraalka xasaanadda Xildhibaanada u gudbiyey dhamaan hay’adaha ay khuseyso. Wasiirka Amniga ayaa ugu danbeyntii Xildhibaanada u sheegay in uu diyaar u yahay wixii su’aalo ah oo la xiriira amniga in uu ka jawaabayo.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtey in aysan u yeerin Wasiirka oo keliya ee ay u yeereen Taliyaashiisa nabad sugidda, “…Wasiirka hadda ka hor ayaan u yeerney wuxuu codsadey in uu soo diyaar garoobayo, laakiin waxa uu yimid isaga oo keli ah, Taliyihii nabad sugudduna waxaa maalinkasta la lee yahay hawlgal ayuu ku jiraa isaga ayaaana qayb ka ah waxa aan dooneyno ayey tiri Khadiija Diiriye.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si cad u sheegey in Taliyaha Nabad sugidda Cabdiraxmaan Tuuryare aanu ka amar qaadan Wasiirka Amniga, sidaas darteed Wasiirka la iska fasaxo, Goodax Barre ayaa sheegay in uu maqley in shan jeer Gen. Tuuryare looga yeeray shirarkii golaha Wasiirada oo uu diidey in uu yimaado, Waxaana uu wasiirka ka codsadey inj uu beeniyo haddii warkaasi aanu jirin, laakiin wasiirku ma beenin, sdiaas darteed aynu fasaxno Wasiirka ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre oo horey u soo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa fadhigoodi ka saarey Saxaafadda, waxaana ay goor danbe ku gaareen fadhi aan la ogeyn wax ka soo baxaya ilaa hadda.Mahad Cawad Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shir-guddominaayey fadhigii maanta ayaa sheegey in la fasaxayo Wasiirka taas beddelkeedna Xildhibaanadu ay gelayaan shir adag oo albaabadu u xiran yihiin oo ay uga tashanayaan Taliyaha Nabadsugidda ee diidey in uu Xildhibaanada hor yimaado si wax looga weydiiyo Amniga, isaga mar kalena soo raaci diidey Wasiirka Amniga oo uu hoos yimaado.
Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu muddo ku noolaa dalka Masar halkaas oo uu wax ku baran jirey. Derajada ciidamada ayuu ka bilaabey Korneyl ka hor inta aan loo magacaabin Taliayaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida sanadkii 2014, markaas oo loo dalacsiiyey Gaashaanle Sare, halkaas oo wax yar kadib loo dalac siiyey Taliyaha NISA isaga oo wata derajada Jeneral.
Weerarkii diyaaraddii Daallo Airlines ayaa lagu eedeynayaa in ay fududeeyeen xubno ka tirsan hay’adda nabad sugidda ee NISA loo yaqaan.