Ciidamada Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday qaxootiga ku sugan xerada sharci darada ah ee ku taal magaalada Calais nawaaxiga dhuunta uu maro tareenka isku xira dalalka France iyo Britain.
Dowlada France ayaa dhowr todobaad kahor sheegtay inay bilaabeyso burburinta xerada ay ku sugan yihiin in ka badan 3.500 qaxooti aan sharci heysan oo doonaya inay u gudbaan dhinaca dalka Ingiriiska.
Maxkamada France ayaa todobaadkii tagay diiday codsi ahayd in dib loo dhigo qorshaha dowlada ee burburinta xeradaasi oo ay si weyn uga cabanayaan shacabka ku dhaqan magaalada Calais.
Xerada ay sameysteen dadka qaxootiga ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay isu bedashay magaalo yar oo leh wax walba sida hotelo, makhaayado iyo teendhooyin laga kireeyo dadka tahriibayaasha ah.
Qaxootiga oo kasoo horjeeda in xerada la burburiyo ayaa rabshado kala hortagay kooxda loo xilsaaray baneynta goobtaasi iyo waliba ciidamada Booliiska. Qaar kamid ah dadka tahriibayaasha ah ayaa dab qabadsiiyey teendhooyinkooda, halka kuwo kalena dhagaxaan ku tuurayeen ciidamada Booliiska.
Hawlgalkan ayaa lagu soo beegay xili lagu wado in Khamiista soo socota uu kulan dhexmaro Hogaamiyayaasha France iyo Uk, Hollande iyo Cameron oo ka wadahadli doona xaalada qaxootiga iyo waliba dooda ka taagan in Ingiriiska uu isaga baxo Midowga Yurub. Dowlada Ingiriiska ayaa bilihii lasoo dhaafay xiisada qaxootiga u adeegsatay doodeeda ah inay isaba baxdo Midowga Yurub