Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la qaatay qaar ka mida mujaahidiin Ururkii SNM Iyo caruurtii ay ka tageen.
Kulan qado sharaf oo ka dhacay Huteel Ampasador ee magaalada Hargeysa waxaa kasoo qaybgalay Madaxwayne Ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax,Maxamed Xaashi Cilmi,Mujaahid Ayuub Tuyuub, Mujaahid Maxamed Cabdi Ismaaciil, Mujaahid Cabdi Ismaaciil Duse, Mujaahid Cali Xuseen Diiriye, Mujaahd Oote Biixi ,Dr.Ibraahim Yuusuf Warsame, Maxamed Cabdi .
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo kulankan qado sharafta ah ka hadlay ayaa sheegay “Halgamayaashii ururka SNM ee dalkani maanta ku taaganyahay, guulihiisiina aynu maanta hayno, dhulkan quruxda badan, dadkan iyo kuwa soo socdaa dhaxli doonaan, dadkii hawshaa iyada ah bud-dhiga u ahaa ubadkoodii oo halkan innala fadhiya, Waxaan mahadnaq usoo jeedinayaa guddoomiyaha baarlamaanka ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan oo aan leeyahay munaasibadani way kaa gaysantahay”
Geesta kale guddoomiyaha golaha wakiilada oo isna halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa yidhi “waxaa sharaf noo ah kulankan ay nagala soo qaybgaleen mujaahidiintii dalka intii aanu helnay caruurtooda, waxaan isleeyahay nabadaa iyo sharaftaa aynu ku fadhino dadna way usoo halgameen, dadna way ka dhaxlaan,markaa annagu qoladii ka dhaxashay ayaanu noqon doonaa”