Somaliland: Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Mar Labaad Shaaciyay Inay Wada Hadal La Furayaan Xisbiyadda Wadani Iyo Ucid

Date:

Xubnihii ku bahoobay garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonka kulmiye ee qaadacay doorashadii ka dhacday xisbiga kulmiye ayaa maanta mar labaad shaaca ka qaaday inay wada hadalo la furayaan labadda xisbi mucaarad ee Wadani Iyo Ucid.

Afhayeenka garabka isbahaysiga kulmiye ahaana wasiirkii hore ee wasaarada cadaaladda Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada hargeysa ayaa daboolka ka qaaday inay wada hadal la furayaan labada xisbi mucaarad, isaga oo sidoo kalena sheegay inuu wali u socod wada hadalkii ay dhawaan la fureen xisbiga Ucid balse aan wali natiijo rasmi ah laga gaadhin waxaana uu yidhi.

“Guddi bay u saareen garabka isbahaysigu in wada hadalo ay la furan cidii ay dantooda ka dhex arkaan, waxaanan idinku wargalinaynaa oo umaddana aan u sheegaynaa in aan wada hadalo toosana aan hada la furi doono xaga xisbiga wadani oo labada xisbi ee Ucid Iyo Wadaniba  aan wada hadalada la bilaabayno, waxaanan idin sheegnaa inaan balan qabsanayno gudoomiyaha xisbiga Wadani iyo xubnaha wadaniba oo aan iskugu nimaadno kanawada hadalno, balankaasi maanta ama bari ayuunbuu mid ahaan qabsoomayaa marka laysla qaato xagii uu ku qabsoomi lahaa ee uu ka dhici lahaa kulankaasi”Sidaas ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Sidoo kale isoo hadalkiisa sii wata xuseen ayaa waxa uu ka dhawaajiyay waxyaalihi ay isku qabteen ee ay kaga cadhoodeen xisbigii Kulmiye waxaana uu yidhi.

“Waad la socotaan mabaadi’dii iyo waxyaalihii aan isku qabanay xisbigii aan ka tirsanayn ee kulmiye, mabaadii’dii xisbiga kulmiye ee wada tashiga ahaa iyo ku dhaqankii xeerarka ayaa ay kuwa hada ku hadhay khilaafeen oo ay jabiyeen, markaa kol hadii tiirarkii xisbiguba ku dhisnaa ay burbureen oo hay’adihii kala duwanaa ee hogaanka xisbiga lahaa, ee gudida fulinta lahaa ee golaha dhexe lahaa ay fadhiyadiisii gabeen maaha inaad kasii tirsanaato. Markaa hadana waxaan hubinaynaa in xisbiyadani ay leeyihiin mabaadi’dii lagula shaqayn lahaa oo aanu xisbigu nqoon mid qof leeyahay oo aan ahyn magac kaliya, wxaaan eegaynaa go’aamada xisbiyadu leeyihiin markaas aan garano ayuunbaan mid ahaa ku biiraynaa hadaanu nahay garabka isbahaysiga”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Xuseen Axmed Caydiid Afhayeenka garabka isbahaysiga kulmiye.

Si kasteba ha ahaatee garabka isbahaysiga kulmiye ee qaadacay doorashadii ka dhex dhacday xisbiga kulmiye Ayaan iyagu ilaa hada meel caggo dhigan iyaga oo sidoo kalena aan shaacin xisbiga ay sida rasmiga ah ugu  bireen, waxaana ay noqdeen kuwo marba meel wada hadal la fura.Dhawaan ayay ahayd kadib markii ay xubnahani shaaciyeen in wada hadal hoose si rasmi ah ula  fureen xisbiga ucid kaas oo ilaa hada ay shegeen inuu socdo balse u muuqda mid aan waxba kasoo naaso cadayn oo aan midho dhal lahayn.

Sidoo kalena waxay wararku intaa ku darayaan in garabkii isbahaysigu ay u kala jabeen Saddex garab oo kala ah Kuwo Saluugsan inay wada hadalo la furan xisbiyada mucaaradka ah oo sheegay inay kasii tirsanaanayaan xisbiga kulmiye,kuwo iyaguna diidan inay xisbiga kulmiye kasii tirsanaadaan iyo waliba kuwo iyaguna sheegay inaanay melba ku biirayn. Waxaana iyaduna xusid mudan inay xukuumada iyo xisbiga kulmiye ay soo xero galiyeen masuuliyiin ka tirsan garabkii isbahaysiga kulmiye ee qaadacay doraashadii ka dhacday xisbiga dhexdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...