Dalalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ku socda magaca AMISOM ee Midowga Afrika ayaa maanta oo Axad ah ku shiray magaalada Jabuuti. Shirkan waxaa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Jabuuti, Raysalwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada Difaaca dalalka Burundi iyo Uganda wakiilo ka socdey Negria iyo Ghana.
Shirka ayaa looga hadley xoojinbta hawglaka AMISOM, hawgaladii u danbeeyey iyo taaeegrada ciidanka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay.
Shirkan ayaa daba socdey shir maalintii shalay ka dhacay Jabuuti oo heer wasiir ahaa, kaas oo ay ku diyaariyeen qodfobada maanta ay ka doodeen hoggaamiya ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, Waxaa shriakas Soomaaliya uga qayb-galay Wasiirka Arrimaha DIbadda Cabdisalaam Hadliye.
Madaxweynaha Kenya oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa dalbadey in ciidamo xoogleh leh la isugu geeyo gobolka Gedo oo uu ku sheegay in al-Shabaab ay ka dhigteen gabbaad ay ku nabad galaan kana abaabulaan weeraradooda. Gobolka Gedo ayaa xuduud la wadaaga Kenya. Weerar gaadmo ah ayaa al-Shabaab bishii Janaayo ku qabsadeen saldhig ciidan oo Kenya ku lahayd gobolka Gedo halkaas oo al-Shabaab ku dileen ciidamo aad u badan, hanti badana ku qabsadeen.
Madaxda AMISOM ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loogu tala galay in ay ka qayb-qaataan dagaalada al_Shabaab ka dhanka ah in aysan weli soo gaarin. 12 diyaaradood oo Golaha Amaanku oggolaadey sanadkii 2012.