Somaliland: Dawladda Itoobiya oo Caddeysay Ahmiyadda Dekedda Berbera ugu fadhido Horumarkeeda iyo Ujeeddada Wada Xaajood u furmay Somaliland

Date:

“Faqiirnimadu waa isha ugu heyn Dagaallada iyo Nabadgalyo darada, markaa waa in horumar dhaqaale aynu samaynaa..” Safiirka Ganacsiga Dibadda ee Itoobiya

Magaalada Berbera, ayaa waxa Shir uga furmay Wefti ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Dawladda Somaliland.

Shirkan oo Saddex Maalmood soconaya, ayaa waxyaabaha lagaga hadlayo waxa ka mid ah sidii Ganacsatada Itoobiya u xoojin lahaayeen Alaabooyinka Ganacsi ee ay kala soo degaan iyo Fulinta Mashruuca Dhismaha Jidka isku xidhaya Magaalooyinka Berbera iyo Addis Ababa.

Furitaankii Shirkan ka hor, waxa Gudaha Dekedda Berbera laga dhagax dhigay Goob loogu talo-galay in la dhigo Alaabooyinka Dekedda uga soo dega Ganacsatada Itoobiya.

“Walaalaheenna Itoobiya waxa noo socda Wada hadal la xidhiidha Ganacsiga iyo Daabulka Alaabooyinka, sidaa daraadeed waxaan Mahad iyo dhiiri-gelinba u dirayaa Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-Xoor. Walaalaheenna Itoobiya waxaanu leenahay diyaar baanu u nahay Wax kasta oo Ganacsigeenna iyo isfahamkeenna kor u qaadaya, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo-na way ka go’an tahay inay Itoobiya kala shaqeeyaan Arrimo badan sidii ay Awalba ugala shaqeyn jireen.”

Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Ganacsiga Dibadda oo isaguna ka hadlay Ahmiyadda meesha Ganacsatada Itoobiya looga qorsheeyay gudaha Dekedda Berbera gudaheeda si ay alaabtooda u dhigtaan, ayaa yidhi, “Waxaan idiinka Mahad-celinayaa inaad barxad gaar ah Dekedda uga diyaariseen Kaargooga Ganacsatada Itoobiya kala soo degaan Dekedda Berbera. Barxaddan sida gaarka ah loogu talo-galay Ganacsatada Itoobiya wuxuu wanaajinayaa xidhiidhka labadeena Shacab.”

Safiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Waxaanu doonaynaa inaynu horumarka Wadaagno iyo Nabadgalyada Labada Waddan iyo Gobolkaba, waayo? Nabadgalyo la’aanteed ma jirayo Horumar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Faqiirnimadu waa isha ugu heyn Dagaallada iyo Nabadgalyo darada, markaa waa in horumar dhaqaale aynu samaynaa. Dawladda Itoobiya waxay horumar dhaqaale samayn kartaa marka Dalalka la deriska ahi horumar dhaqaale sameeyaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...