Somaliland: Dalka Imaaraadka Carabta Oo Markii Labaad Wefti Heer Caalami Ah USoo Diray Xaalada Abaareed Ee Ka Jirta Dalka Somaliland Iyo Soo Dhawayn Lagu Qaabiley

Date:

Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport wefti ka socda Imaaraadka Carabka ku soo dhaweeyey Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka imaaraadka Carabta.

Mudadii uu safiirku hayey xilka Safiirnimo ee imaaraadka carabta waxa uu si weyn uga dhex muuqday waxqabadka kala duwan ee dalka ay ka wado dawlada imaaraadka carabtu, isaga oo Safiirku noqday safiirka keliya ee sida weyn uga qaybqaatay Arrimaha Abaaraha ee dalka ka jira oo tiraba laba jiir hada dalka ku habsatay, taas oo sababtay in dawladda Imaaraadku gurmad balaadhan ka geysato xaalada nololeed ee dad iyo duunyoba saamaysay.

Ambassador Baashe Cawil Cumar oo halkaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahaayeen “Waxaa runtii farxad weyn maanta inoo ah in aynu halkan kusoo dhawayno Wafti ka socda dalka imaaraadka carabta, sidaynu la wada soconaba waxaa in muddo ahba dalka  ka jiray abaaro saameeyey dad iyo xoolaba abaarahaasi oo runtii dhibaato fara badan u geystay shacabka iyo dadkii xoola dhaqatada ahaa, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u xilsaaray guddi uu ka madax yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) gudidaasi oo loo xil saaray inay soo deristo wax ka qabato sidii wax loogu qaban lahaa dadkaa.

waxaynu la soconaa ayaamahanba ay socdeen gurmadkii abaaruhu dalka dibadiisa iyo gudihiisaba hawlahaasi ka socdeen gurmadkaa loo fidinaayey abaaraha ayaa Madaxweynuhu safiirada iyo dhamaan dalalka aynu cilaaqaadka leenahayna u gudbiyey in lasoo gaadho dadkaa dhibaatadu gaadhay waxaana maanta farxad weyn ii ah in markale Dawladda Imaaraadku noqoto Dawladdii ugu horaysay ee kasoo jawaabta dalabkaa Madaxweynaha JSL u fidiyey.

Waxaana maanta halkan socda Hay’addii Al-Khaliifa Foundation oo ah Hay’add aan inagu cusbayn ragga maanta laynoo soo dirayna ay yihiin ragg yimi sanadkii dhawaa markii abaaruhu ina saameeyeen Insha Allaahu tacaalaa mudadaa ay joogaan waxay muhiimada saari doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinkaa iyo dadka abaaruhu saameeyeen, Waxaan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo Dawladda Imaaraadka oo iyadu marwalba u dhego nugul baahiyaha ay dalka iyo dadka reer Somaliland leeyihiin muujisayna inay yihiin saaxiib dhaba oo garab istaaga markasta oo ay Somaliland u baahato”.

12741861_913168102130377_5425325604102032767_n 10295713_913168165463704_9107450070114568528_n 10268639_913168218797032_6420630164659866665_n 4-5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...