Somalia: Shirka Heerka sare wadatashiga oo Istanbul ka furmaya maalinta Salaasada

Date:

Waxaas maalinta beri ah ee Salasada ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Shirka Cahdiga cusub ee looga hadlaayo aayaha Soomaaliya (News Deal)

Shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay Madasha u sareysa ee lagu go’aaminayo aayaha Soomaaliya, kaas oo ay soo qaban qaabisey Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka sida lagu yiri war-saxaafeed laga soo saarey ka hor furitaanka shirka.

Shirka lixaad ee Cahdiga Cusub (New Deal) ayaa waxaa  wada shir guddoominaya Madaxweynaha  Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson.

Shirka waxaa ka soo qaybgalaya dalal ka badan 50 dal, 12 urur oo caalami ah, Dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.
Waxaa shirka looga hadlayaa:

  • Xaaladda amniga iyo nabadgelyada Soomaaliya
  • Dib u dhiska hay’adaha dowliga ah
  • Siyaasadda dib u heshiisiinta
  • Arrimaha Federaalka, Dimoqraadiyeynta iyo Geeddi socodka Doorashooyinka
  • Dib u eegista Dastuurka
  • Hormarinmta dhaqaalaha bulshada

Shirka maalinta berri ah ka furmaya Istanbul ayaa Turkigu sheegay in uu noqon doono mid ay ka soo baxaan barnaamij siyaasadeed oo dhamaystiran, kaas oo Turkigu caalamka ku cadaadin doono, taabo gelinta dhismaha haykalka dowladnimo, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, sida lagu yiri war-saxaafdeedka.

Shirka Istanbuul ayaa la sheegayaa in uu yahay mid aan dhinacyada Soomaalidu u dhameyn. Puntland weli mowqif cad kama soosaarin in ay ka qayb galayaan iyo in kale, inkasta oo aysan wefdi u dirin, sidoo kale Somaliland ayaan shirka ka qaybgalayn lamana sheegin in la casumey iyo in kale.

Dhanka kale waxaa shirka weyn ee beri furmaya lagu dhinac qabanayaa laba shir oo kale oo kala ah: Ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya, waxaa soo qaban qaabisey: Turkey-Somalia Business and Investment Forum, shirkan waxaa khudbado ka jeediyey Raysalwasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo ku-xigeenka Raysalwasaaraha Turkiga Lütfi Elvan. Shirkaan ayaa laga soo saari doonaa qodobo muhiim ay oo ay ka midyihiin sidii loo sii xoogin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya gaar ahaan kaalinta ay dowladda Turkiga ku leedahay horumarinta Soomaaliya.

Shirka labaad ayaa ah: Awoodsiinta Haweenka iyo Dhalinyarada, ka qayb-qaadashada, barnaamijyada dhaqaalaha iyo arrimaha nolosha bulshada, waxaana ka qaybgalaya shirkan dad la sooo xulay markoodi hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...