Obama oo Baarlamaanka u gudbinaya qorshihiisa xiritaanka Xabsiga Guwantanamo

Date:

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) ayaa lagu wadaa in maanta oo Salaasa ah u gudbiyaan Kongareeska Maraykanka qorshaha ay doonayaan inay ku xiraan xabsiga Guwantanamo Bay ee lagu hayo raggii muslimka ahaa ee lagu soo qabtay dalalka Afghanistaan, Ciraaq iyo goobo kale.

Xabsiga Guwantanamo ayey weli ku xiran yihiin 91 maxbuus, kuwaasi oo la sheegay in 35 kamid ah hada la doonayo in lasii daayo iyagoo la geyn doono dalalkii ay kasoo jeedeen ama wadamo kale, sida ku cad qorshaha cusub ee kasoo baxay xakuumada Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hore marar badan u balan qaaday inuu xiri doono xabsiga Guwantanamo balse ku guuleysan waayey kadib markii ay is hortaageen qorshahaasi Baarlamaanka, inta badan Xildhibaanada Mucaaridka ee Xisbiga Jamhuuriga ayaa kasoo horjeeda in la xiro xabsigaasi.

Xukuumada Maraykanka ayaa dooneysa in maxaabiista aan weli la fasixin loo soo wareejiyo xabsiyo ku yaal gudaha wadanka Maraykanka, arrintaasi oo ay si weyn uga soo horjeedaan xildhibaanada Jamhuuriga iyo waliba qaar kamid ah Xildhibaanada xisbiga Obama ee Dimuquraadiga.

Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa sanadkii 2011 qaadacay qorshe Obama ku doonayey in xabsigaasi gebi ahaan lagu xiro, mana cada in markan uu ku guuleysan doono qorshihiisa xili wadanka Maraykanka ay ka socota ololaha Doorashada isla markaana wax ka yar hal sano ay uga hartay xilka uu hayo Madaxweyne Obama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...