Somalia: Wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Muqdisho oo dalka Turkiga u dhoofay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo uu dhawaan ka furmi doono shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya isla markaana dhaqaale loogu ururinaayo doorashooyinka sanadkan 2016.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu maalinta Salaasada ah ka furmo magaalada Istanbul, waxaana ka qaybgalaya dalal badan oo kamid ah kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ilaa hadda waxaa dalka Turkiga u duulay Wefdi uu hogaaaminaayo Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, iyo Madaxweynaha Jubaland, sidoo kale waxaa laga sugaaya Madaxweynayaasha maamulada kumeel-gaarka ah ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxaan weli mawqifkooda rasmiga ah ee shirkan soo saarin Puntland oo horey uga hortimid go’aankii Dowladda Federaalku ka gaartey doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo beesha caalamku taageertey iyada oo aan wadatashi sameyn. madaxweynaha Puntland ayaa weli ku sugan dalka Itoobiya.

Dhanka kale Waxaaa dalka Turkiga ka socda shir looga hadlaayo maalgashiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb galaaya ganacsato Soomaali iyo Turki isugu jirta iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...