Duqa magaalada Boris Johnson London ee caasimada UK ayaa Axadii shalay shaaca ka qaaday inuu bilaabi doono olole uu uga soo horjeedo Qorshaha Raysalwasaare David Cameron oo sheegay in dalka Ingiriiska uu kasii mid ahaan doono Midowga Yurub.
Boris Johnson oo kamid ah xisbiga uu hogaamiyo David Cameron ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo heshiiska uu Raysalwasaaraha la galay dalalka Midowga Yurub todobaadkii tagay, heshiiskaasi oo qeexaya in dalka Ingiriiska uu heli doono xuquuq dheeraad ah oo ku diidi karo qaar kamid ah sharuucda Midowga Yurub. Go’aanka uu qaatay Duqa magaalada London ayaa ah mid dhabar jabin ku ah David Cameron.
Duqa London oo awood ku dhexleh xisbiga talada haya [Conservative Party] ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo in dalka Ingiriiska kasii mid ahaado Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in madax-banaanidii dalka UK ku dhumiyey awooda dheeraadka ah ee Midowga Yurub ee looga taliyo magaalada Brussels. Wuxuuna sheegay inuu olole weyn u geli doono sidii shacabka Ingiriiska loogu baraarujin lahaa inay isaga baxaan Midowga Yurub marka la gaaro xiliga aftida loo qaadayo.
David Cameron ayaa Axadii shalay digniin u diray Guddoomiyaha London oo kamid ah xisbigiisa, isagoo sheegay in go’aankan uu shaaciyey Boris uusan keenayn wax xal ah. Cameron ayaa doonaya inuu dhamaan qeybaha kamid ah xisbigiisa ku mideeyo taageerada heshiiska uu lasoo galay Midowga Yurub.
Qaar kamid ah Saxaafada UK ayaa sheegaya in ololahan uu shaaciyey Duqa magaalada London Boris Johnson ay la xariirto qorshihiisa uu ku doonayo inuu mustaqbalka noqdo hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka oo uu bedalo David Cameron. Walow uu Boris sheegay inuu shaqsiyan uu taageersan yahay Cameron balse uu kaliya kasoo horjeedo in wadankiisa kasii mid ahaado Midowga Yurub.