Somalia: oo ka Noqotay Hanjabaadii ahayd inay Joojinayso Duulimaadyada Somaliland uga Taga

Date:

Markii Madaxda Shirkadaha Duulimaadyada, ay noo soo gudbiyeen in la xaliyey dhibaatadii kala duwanayd ee ay ka cabanayeen dadka somaliyeed, waxa hay’ada Socdaalku dib uga noqotay Go’aankeedii hore

War-saxafadeed ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Hogaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Soamliya Cabdilaahi Gaafow Maxamuud ayaa lagu sheegay in dawlada Somaliya ka noqotay go’aankii hore ee ay ku joojisay Duulimada Hargeysa iyo muqdisho.

Sidaasi wax lagu sheegay war-saxafadeedkan. “Iyadoo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay la socoto Xaaladaha kala duwan ee safarada  shacabka Somaliyeed, waxay hore hay’adu u soo saartay in la joojiyey diyaaradihii iskaga kala gooshi jiray Goroonka  Addan Cade ee Muqdisho  iyo Garoonka Cigaal ee Hargeysa, ka dib markii shacabka somaliyeed kala kulmeen dhibaato badan Maamulka Garoonka Cigaal, sidaasna muddo  lagu qabtay in la joojiyo Duulimadyada Hargeysa iyo Muqdisho,  si loo xaliyo dhibaatada haysta shacabka somaliyeed, taasi oo ku beegnayd taariikhdu maray ahayd bishii 22/1/2016-ka.

Hadaba Markii Madaxda Shirkadaha Duulimaadyada, ay noo soo gudbiyeen in la xaliyey dhibaatadii kala duwanayd ee ay ka cabanayeen dadka somaliyeed, waxa hay’ada Socdaalka iyo Sinjiyadu dib ugu noqotay maanta oo ay taarkhiidu tahay 21/02/2016, markii ahaa in la joojindoono Diyaaradaha iskaga kala goosha Hargeysa iyo Muqdisho.

Sidaasi awgeed Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa mahad balaadhan u jeedinaysaa dhammaan madaxdii gacanta ka geystay xalinta cabashada shacabka Somaliyeed ee Garoonka Cigaal” Ayuu yidhi Cabdilaahi Gaafow Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...