Gurmad Culus Oo Loogu Jiro In Libaaxaasi La Soo Qabto Isaga Oo Aan Wax Dhib Ah Gaysan Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Baadi-goobkiisa
Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Xaafadaha jaarka la ah Guriga uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md Warancade Ka Degan yahay Magaaladda Hargeysa,waxa Saddex Caano Maalba Xerada uu Wasiirku Libaaxyada ku carbiyo ka maqan oo ka fakaday Aarkii ugu Weynaa libaaxyadiisa,kaasi oo ay baadi goob xoog ah ugu jiraan Ehelada wasiirka iyo waliba dad kale oo uu wasiirka gurmada ahaan u dirsaday.
Dad looga qaateen ah oo ku dhaqan xaafada New Hargeysa gaar ahaan Agagaarka Guriga uu Warancade Libaaxyadu ugu xeraysan yihiin ayaa noo sheegay in saddexdii maalmood ee u dambaysay Todobaadkan tagay inay soo jeed u ahayd islamarkaana ay ka cabsi qabeen libaaxii ugu awooda badnaa Libaaxyada u Xeraysan Wasiir Warancade oo si sibiq ah Saqdhexe xeradii uu ku jiray uga dhacay, waxa ay sheegeen in baadi goobkii la qaaday aan waxba lagu soo qaban islamarkaana uu raadkiisii ku wareegaalaystay Meelo badan oo ka mid ah Xaafada New Hargeysa gaar ahaan kaynta jiqda ah ee Dooxa Hargeysa ku taala,waxaanay ay sheegeen in Maqnaashiyihiisaasi cabsi xoogleh ku abuurtay gaar ahaan Dadka la jaarka ah Guriga Wasiir Warancade.
Warar kale oo wargeyska Foore ka helay goobo badan oo aanu la xidhiidhaynay ayaa noo xaqiijiyey in Raadka Libaaxaasi Habeenkii udambaysa lagu arkay agagaarka Kaalinta Shiraacle ee Bariga Magaalada Hargeysa halkaasi oo uu biyo ka cabay islamarkaana uu markii dambe koray meel taag ah goor habeenimo ah oo raadkiisii ku baaba’ay Buur ama dhagxaan halkaasi ku yaala. Xaafado danyar oo degan Shiraacle oo dhinaca Dooxa ka xiga ayaa la sheegay inaanay Labadii habeen u dambeeyay indho isku gayn kadib markii ay maqleen ama looga degay raadkii libaaxaasi oo lagu dul arkay agagaarka guryahooda islamarkaana la aaminsan yahay inuu goor habeenimo ah uu dul maray iyaga oo hurda. Libaaxan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Liixyada sida fiican u koray ee u waynaaday islamarkaana ay adag tahay in Isaga oo nool si dhib yar gacanta loogu soo dhigo. Warar kale ayaa sheegaya in xitaa dadkii baxnaanin jiray libaaxaasi ay aad uga cabsi qabaan in hadiiba ay kulmaan uu waxyeelo u gaysto maadaama uu yahay mid marka uu silsiladaysan yahay laga cabsan jiray.
Maaha Markii u horaysay ee ay libaaxyada Warancade ee carbiska ahi ka baxsadaan Xerada balse dhawr jeer oo hore ayaa la shaaciyay Warar caynkan oo kale ah,waxaana si weyn Xasuusta reer Hargeysa ugu jirta Cago-Baruurkii Xerada sidan oo kale uga soo baxsaday ee qudha ka jaray Alle ha unaxariistee Gabadhii Gashaantida ahayd agagaarka Dooxa weyn ee Hargeysa,kaasi oo markii dambe uu Wasiir Warancade dilka toogashada ah ku dilay.