Direetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.
Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Guddoomiye Ku-xigeen
3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xubin
4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xubin
5. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Xubin
6. Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin
7. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Xubin
8. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada) Xoghaye
9. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada) Xubin
10. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF) Xubin
11. Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF) Xubin
12. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD) Xubin
13. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO) Xubin
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)