puntland: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo xafiiskiisa kula shiray guddiga abaaraha

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa  xafiiskiisa kulan kula qaatay guddigii abaaraha oo uu magcaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka.

Kulankii uu guddigu ku yeeshay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda abaaraha iyo qaababkii looga hawlgeli lahaa iyadoo laga duulayo hal-kudhiggii Madaxweynaha Puntland  ee ahaa Puntland haysku tashato.

Guddiga abaaraha ayaa waxay soo saareen saddex qodob oo sal looga dhigayo qaabkii loo bilaabi lahaa gurmadka abaaraha waxaana warbaahinta u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde.

In la sameeyo guddi Farsmo, guddigaas oo hubin dhab ah ku samayn doona sida ay u kala baahi badan yihiin gobollada Puntland ee ay abaartu ka jirto.

In Roobdoontii la qabto maalinta khamiista ah ee soo socota 25-Feb-2016-ka sidii wasaaradda caddaaladu ay hore ugu dhawaaqday, waxaana arrintaa kawada shaqayndoona wasaaradda Caddaaladda iyo iyo Guddoomiya yaasha Gobollada Puntland.

Is abaabul loo bandhigay ganacsatada Puntland oo la doonayo ganacsatada Puntland in ay qayb libaax ka qaataan gurmadka abaaraha sidii horeba looga bartay, arrintaana waxaa kawada shaqayn doona Wasaaradda Caddaaladda iyo Rugta Ganacsiga Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...