Turkiga oo weeraro aargoosi ah ku qaaday Kurdida Siiriya oo uu ku eedeeyey Qaraxii Ankara

Date:

Ciidamada Turkiga ayaa Khamiistii shalay duqeynmo xoogleh la beegsaday dhulka Waqooyiga Siiriya oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Kurdida ee loo yaqaan YPG, kuwaasi oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta tuulooyin ku dhaq xaduuda Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa ku eedeysay kooxaha Kurdida inay ka danbeeyeen weerarkii bambaano ee Arbacadii ka dhacay caasimadooda Ankara, weerarkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 28 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 ruux oo kale. Turkiga ayaa sheegay in shaqsiga qaraxa fuliyey uu ahaa nin u dhashay Kurdida.

Balse Jamhada Kurdida ee YPG ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarkii bambaano ee ka dhacay Ankara, dowlada Turkiga ayaa Sabtidii lasoo dhaafay bilowday duqeynta ay ku wado Kurdida ku sugan Siiriya, waxayna khamiistii shalay dardar gelisay duqeynta fariisimaha kurdida ee waqooyiga Siiriya.

Dalalka xulafada NATO oo uu Turkiga xubin ka yahay oo ay ku jiraan Maraykanka, France iyo Germany ayaa ugu baaqay horaantii todobaadkan in ciidamada Turkida ay joojiyaan duqeynta ay la beegsanayaan kooxda YPG ee kurdida ah. Reer Galbeedka ayaa si hoose u taageera kooxaha Kurdida si ay ulla dagaalamaan kooxda Daacish.

Hase yeeshee waxaa muuqata in weerarkii bambaano ee Ankara ka dhacay Arbacadii uu markale fursad u siiyey dowlada Turkiga inay sii xoojiso duulaanka ay ku qaadeyso kooxaha Kurdida oo ay uga baqeyso in mustabaqlka ay saameyn ku yeeshaan gobalada Bariga iyo Koonfurta Turkiga oo ay ku nool yihiin qawmiyada Kurdida oo weli u hanqal taagaya inay mustaqbalka helaan wadan u gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...