Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa xilka ka qaaday Taliyaha laanta socdaalka Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ka dib markii uu qawaday waajibaadkiisa shaqo.
Ilo looga qaateen ah, ayaa sheegay in maanta Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Taliyaha cusub ee laanta socdaalka Somaliland uu u soo magacaabay Taliyihii hore ee laanta socdaalka Mr. Maxamed Cismaan Caalin oo loo yaqaano (Dayib) oo xilka laga qaaday bishii April 2012-kii.
Wasiirka Daakhiliga, ayaa sharciyan magacaaba Taliyaha laanta socdaalka. Xilka qaadista Taliyihii laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ku soo beegantay iyadoo danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi Maxamed Cali Ameeriko uu socdaal aan ujeedadiisa la garaynin ku yimid Somaliland oo uu ku dhex mushaaxayay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera muddo todobaad ah, oo aanay laanta socdaalku waxba ka qabinin.