Somaliland: Ma dhabaa inuu Gudoomiyaha Ucid Shir qarsoodi ah Fursad siyaasadeed ugu bandhigay Garabadii isbahaysiga kulmiye

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa kulan saacado badan qaatay wuxuu shalay Magaalada Hargaysa kula yeeshay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka KULMIYE ku midoobay

Xogo hoose oo La helay, ayaa iftiimiyay in Eng: Faysal Cali Waraabe u qadimay Isbaahaysiga qorshe siyaasadeed aanay hore ugu bandhigin labada Xisbi ee WADANI iyo KULMIYE oo ahaa Xisbigay kala cadhoodeen. Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa u muujiyay Xubnaha Isbaahaysiga KULMIYE rabitaan xoogan, kaas oo gaadhsiisan inuu diyaar ula yahay wax kasta oo suurto galin kara inay kamid noqdaan Xisbiga uu hoggaamiyo ee Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID)
Kulanka dhexmaray hoggaamiyaha UCID iyo Siyaasiyiintaas, waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha ku midoobay Isbaahaysiga KULMIYE, mana jirin cid ka maqnayd marka laga reebo Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isagu hore ugu cadeeyay inuu muddo ka nasanaayo Siyaasiyadda.
Lagama soo saarin war rasmiya kulankaas, sidoo kale kamay hadlin labada dhinac midkoona, waxayse xoguhu xaqiijinayaan in loo balamay kulamo danbe oo ay yeelan doonaan hoggaanka UCID iyo Isbaahaysiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...