Somaliland: Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Soo Gabagabeeyay Diiwaangalintii Gobalka Togdheer Ka Socotay Mudo 28 Maalmood Ah

Date:

Xubno ka socday guddida komishanka qaranka oo ay horkacayaan komishaneer cabdiraxman Cismaan Sagal iyo komishaneer maxamed Jamac oo ay wehelinayaan xubnaha komishanka qaranka ee heer gobal ayaa xaflad lagu qabtay Hotel New Burco ku soo afmeeray diiwaangalintii codbixiyaha gobalka Togdheer ka socotay muddada 28ka maalmood ahayd.

Xubno ka socday guddida komishanka qaranka oo ay horkacayaan komishaneer cabdiraxman Cismaan Sagal iyo komishaneer maxamed Jamac oo ay wehelinayaan xubnaha komishanka qaranka ee heer gobal ayaa xaflad lagu qabtay Hotel New Burco ku soo afmeeray diiwaangalintii codbixiyaha gobalka Togdheer ka socotay muddada 28ka maalmood ahayd.

Maayarka degmada Burco Mahmed Muraad oo kulankaas furay waxa uu u mahad celiyay xukuumada Somaliland, Gudida komishanka heer qaran iyo heer gobalba, xisbiyada qaranka iyo shirkadahii ka qaybqaatay diiwaangalintaba.

Sidoo kale Laba komishaneer ee kala ah mudane cabbdiraxman Cisman Sagal iyo maxamed Jaamac oo halkaas ka hadlay  waxa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin sida sharafta iyo wanaagu ku dheehan yahay ee bulshada gobalku uga qayb qaateen xaqiijinta iyo ka dhabaynta in diiwaangalin aan ku noqonoqosho lahayn ka dhacdo gobalka

Komishaneeradu sidoo kale waxay ku dhiiri galiyeen gobalada kale in ay ku daydaan gobalkan oo noqday bilawgii diiwaangalinta nooca loo yaqaan Iris Biometeric  ugana gudbay tijaabadaas si gobanimo leh, taas oo ah mid hore loogu yaqaanay gobalka iyo bulshada reer Togdheer in ay marxaladaha adag mar kasta hormood ka noqdaan.

Gudoomiyaha gobalka mudane Ibraahim Maxamed (Qabo) oo soo gunaanaday hadalka waxa uu ugu hambalyeeyay komishanka doorashooyinka, bulshada gobalka, shirkada telisom, shirkada leedhka iyo xukuumaduba sida ay uga qeyb qaateen diiwaan galinta sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyay xisbiyada qaranka oo muujiyay biseelnimo lana barbar istaagay komishanka hirgalita hawshan baaxada leh

Waxa dhamaan masuuliyiintaas ka hadlay xaflada xidhitaanku u soo jeediyeen gobalada kale in ay kaga daydaan gobalkan sida sharafta leh ee ay uga gudbeen diiwaan galintii iyo sidoo kale uga faa’iideestaan casharadii laga bartay bilawgii diiwaan galinta eek a dhacday gobalkan.

12705579_586368654845344_548197578067227090_n 12715461_586368578178685_2636468419058694411_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...