Shirkadda Apple iyo FBI oo muran amniga IPHONE ka dhextaagan yahay

Date:

Agaasimaha guud ee shirkadda Apple Tim Cook ayaa sheegay in khatar weyn ku tahay shirkadda Apple haddii ay dhisaan albaab danbe oo laga soo geli karo barnaamijkooda uu ku shaqeeyoiOS ee uu ku shaqeeyo IPHONE.

Maalintii shalay ee Salaasada ayaa Tim Cook shaaciyey warqad dheer oo uu u direy macaamiisha shirkadda, taas oo uu ku sharxaayo sababta Apple ay uga hortimid dalabka hay’adda FBI ee ah in ay u dhacaan oo furaan telefon IPHONE ah oo uu iskalahaa mid kamid ah labadii qof ee weerarka ka geystey gobolka Calafornia magaalada San Bernardino.

Tim Hook ayaa sheegaya in dalabka FBI uu ka badan yahay keliya hal telefoon oo la furo.

“…Waxay na weydiisteen in aan u dhisno albaab danbe oo uu lee yahay IPHONE, kaas oo sahlaya marka recorvery lagu samaynaayo IPHONE, isla markaana xagga danbe looga soo dhici karo, marka ay timaado xaalad baaritaan, barnaamijkaas oo ah mid aan hadda jirin…”

Tim Hook ayaa sheegay in ay la shaqeeyeen FBI marka la eego weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino, khubarona ku tageereen, laakiin waxa FBI raadineyso uu yahay mid si weyn khatar ugu ah shirkadda.

Sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalka Maraykanka FBI ayey u suurta geli weydey in ay furaan telefonka Syed Rizwan Farook oo isaga yo xaskiisa ay weerar ku qaadeen xaflad ka socotey magaalada San Bernardino. Telefonka qofka geeriyoodey uu iskalaha ayaa haddii 10 jeer lagu dayo in lagu furo Xarfo lagu galo (Password) khaldan is tirtiraya oo ay ka masaxmayaan dhamaan wixii ku jirey.

Hay’adda FBI ayaa si weyn u dhibsatey barnaamijka u danbeeyey ee iOS lagu dhisey IPHONE oo leh Encryption adag oo aanlagu sameyn karin bypass, si loo ilaaliyo qofka isticmaalaya xogtiisa, taas oo ay hadda doonayaan in ay wax ka bedalaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...