Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Soomaaliya Inj. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo Salaasa ah Guriga Madaxtooyada Puntland shir kula qaatay hey’adaha ka hawl-gala gudaha Puntland, maadaama ay Puntland hore ugu astaysay hay’adaha in looga baahanyahay in 16-ka February gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeelee yeen.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo ah guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ayaa sheegay in deegaano gaareya 78 oo ka kooban 5 gobol oo ka mid ah gobollada Puntland ay si weyn u wax-yeelaysay abaartu isla markaana biyihii iyo baadkiiba ay gabaabsi noqdeen, loona baahanyahay in si wada jir ah looga hawl galo.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, Soomaaliya Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in maamulka Puntland oo kaashanaysa hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ay ku dhawaaqayso in ay billaabi doonto gurmad deg-deg ah iyadoo ka duulaysa tallaabooyinka soo socda
- Puntland waxay dib u habaynaysaa dhamaan ceelasha biyaha ee gobolada ay Abaartu wax-yeeleysay si loo helo baraago biyaha celin kara.
- Dawladdu waxay bilaabeysaa Biyo dhaamis ballaaran oo meelo kala duwan ah
- Dawladdu waxay tallaali doontaa dhamaan xoolaha Abaartu saamaysay
- Dawladdu waxay diyaarin doontaa gaadiid caafimaad iyo kooxo dhaqaatiir ah si loogu gurmado dadka ay Abbaartu saameysay
- Dawladdu waxay diyaarin doontaa Baraagaha guur-guura si dadka iyo duunayada aan soo gaari karin ceelasha biyaha loogu gaar siiyo biyo meelaha ay joogaan
- Dawladdu waxay Samaynaysaa nafaqayn Hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaan dadka nugulka ah ee Abaaruhu ay wax-yeellee-yeen.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqey in Puntland ay wajihi doonto xaalad adag, isla amrkaana deegaano badan oo ka tirsan Puntland ay hadda ka jirto abaar, wuxuu ku dhawaaqey in maamulka Puntland lagu taageero sida uu gar-gaar ugu fidin lahaa dadka iyi duunyada abaarty saameysey.