Madaxweynaha Puntland oo kulamo muhim ah Adis Ababa kula qaatey madaxda Itoobiya

Date:

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo Wakiilka Puntland ee Itoobiya Mahad Faaraax Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta oo Arbaca ah kulamo la qaatay Wasiirka Kastamka iyo Cashuuraha Dawladda Federaalka Itoobiya, Madaxa Tamarta iyo Korontada Azeb Asnake iyo Taliyaha guud ee ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Masuuliyiintii ay kulanka wada qaateen ayaa kulankooda intiisa badan waxay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga ee Puntland iyo Itoobiya iyo sidii Puntland ay uga faa’iideysan lahayd tamarta iyo koronta Itoobiya oo ay ka gaartey horumar ballaaranZ.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale kala hadlay Masuuliyiintaasi sidii loo furi lahaa Kastamka u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya ee Tuurdibi, isla markaana u sheegay in Puntland ay dhineceeda soo dhammaystirtay dhammaan baahidii Kastamkaasi maadaama ay dhistay Saldhiggii Booliska ee Kastamka, Bangigii,hoolashii kaydadka ganacsiga lagu kala wareejin lahaa iyo Xarunta Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale u sheegay Mas’uuliyiintii uu kulanka la qaatay in Dawladda Puntland ay soo dhistay Waddada u dhexaysa magaalada Gaalkacyo ilaa Tuurdibi, isla markaana Dawladda Itoobiya u sheegay in looga baahan yahay in ay dardar geliso dhineceeda si’ay u sahlanaato isu socodka ganacsiga u kala gooshi doona Puntland iyo Itoobiya.

Dhinaca kale wasiirka Kastamka Itoobiya ayaa sheegay in ay dhowaan kormeer ku tegi doonaan Puntland Wasaaradda Kastamka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Gaadiidka, Booliska iyo Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Federaalka Itoobiya isla markaasina sugayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo diyaarinaysa nidaamkii ay waftigani Puntland ugu amba-bixi lahaayeen.

Sidoo kale Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa. ayaa kulanka kasheegay in Puntland iyo Itoobiya ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinaca iskaashiga nabadgelyada ah, isagoona xusay in uu dhowaan kula kulmay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland Generaal Cabdirisaaq Afguduud magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya isla markaana ay isla meel dhigeen in ay is dhaafsandoonaan xogaha ku aminga labada dhinac iyo la dagaallanka argagixisada, wadashaqayn dhowna ay wada yeelan doonaan.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Masuuliyiintii ka socdey Dawladda Itoobiya ayaa isla qaatey in la helo siyaasad cad oo qeexaysa ganacsiga labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...