Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Siiriya iyo Ruushka ayaa Isniintii shalay duqeeyey labo iskuul iyo shan xarumo caafimaad oo ku yaal magaalada Xalab (Aleppo) iyo Idlib.
Duqeyntan ayey ku dhinteen ugu yaraan 50 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur, goobaha la duqeeyey ayaa waxaa kamid ah isbitaal ay maamulaan Dhakhaatiirta aan Xaduuda laheyn ee MSF. Falkan ayey Beesha Caalamka ku tilmaamtay danbi dagaal.
Duqeyntan ayaa waxaa cambaareeyey Turkiga iyo wadamada Reer Galbeedka. Waxaa sidoo kale ka hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ku tilmaamay fal ka horimaanaya sharuucda caalamiga ah.
Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda iska fogeysay inay diyaaradaheeda ahaayeen kuwii goobahaasi duqeeyey, waxayna sheegeen inay dhankooda duqeeyeen oo kaliya xarumaha ISIS, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad ayaa isniintii shalay markale burburiyey rajadii laga qabay in xabad joojin laga hirgeliyo dalkaasi, kadib markii uu sheegay in Xabad joojin la dhex dhigo Dowlado dagaalamay, balse aan marnaba xabad joojin la dhex dhigi karin Dowlad iyo kooxo Argagaxiso ah, waa siduu hadalka u dhigayee.
Assad ayaa sidoo kale digniin u diray Turkiga iyo Sacuudiga oo uu sheegay inay dagaalka Siiriya u bedali doonaan dagaal caalami ah hadii ciidamadooda gudaha usoo galaan wadankiisa.
Todobaadkii tagay ayey ahayd markii Maraykanka iyo Ruushka shir ay ku yeesheen magaalada Munich laga soo saaray baaq ah in la hakiyo colaada iyo dagaalada ka socda Siiriya si gar gaar bini’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka shacabka ah, walow ay hada muuqato in rajadaasi ay sii yaraaneyso.