Wasiir Ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa xukumada Somaliland ka difaaacay eedaymo uu usoo jeediyay sheikh Adaan Siiro, kuna eedeeyey inay xukumada siilaanyo iibisay dhulalkii danta guud ahaa ama ay ku wareejisay ganacsadayaal reer Somaliland ah.
Waxaana uu wasiir ku xigeenku sheikh Adan Siiro ugu baaqay inuu haduu danaynayo siiyasada dalka uu kaso baxo masaajidka isla markaana uu ka dhex muuqdo golaha siiyada isagoona Mudane Maxamed Muuse Diiriye arimaha iyo arimo kaleba ka hadlaya waxa uu yidhi.
“waxaan odhan lahaa Sheekh Aadan Siiro haka soo baxo masaajidkoo haduu siyaasada aad u danaynayo golaha ha is keeno oo xisbiyada haka mid noqdo Ayaan ku boorin lahaa, kana fiirso sheikh Aadanow hadaad cid wax la doonayso marka danbe ee ay helaan haka daba tagin”Maxamed Muuse Diiriye
Sidoo kalena Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi
“Sheekh Adan waxa uu ahaa ragii u doodayay maktabadi Gaandi Library ee lahaa maktamada ayaa cid laga iibiyay halkan maanta la geeyeyna waa Sheikh Bashiir waxaanay khusaysaa waxbarashada waxaa ujoogsaday oo arintana soo asteeyey maayarka caasimada Cabdiraxmaan Soltelco markaa waxaan leeyahay sheikh adan ka waantow waxaan aad masaajidada kaga hadlayso oo hadii aad danaynayso siyaasada kaalay mashraxa siyaasada”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Maxamed Muuse Diiriye.
Sikasteba ha ahaatee hadalkan maanta kasoo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ee uu ku durayo Sheekh Aadan Siiro oo kamida culimada Somaliland ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu dhawaan Sheekhu xukumada madaxwayne siilaanyo ku eedeeyey inay wada iibisay wareejisayna dhulalkii dawlada ama danta guud.