Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland ayaa maanta oo Salaasa ah safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusii Sagootiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaanu ka amba bixin garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu warfidiyeenada uga warbixiyey ujeedka safarkiisa, waxaana uuu sheegay in uu safarkiisu ku qotomo casumaad uu ka helay Dawladda Itoobiya.
“…Maanta waxaan safar shaqo oo kooban ugu amba baxayaa waddanka Itoobiya, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay Dawladda Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabadgeliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Todobaadka danbe waxaa siyaasiyiin badan oo Soomaalida ah u duulayaan magaalada Istanbul, halkaas oo lagu soo geba-gebaynayo shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya 2016, lama oga in Madaxweynaha Puntland Itoobiya uga sii gudbi doono Turkiga iyo in uu dib ugu soo noqon doono Puntland.