Somaliland: Warbixin Uu Machad Caalami Ahi Soo Saaray Oo Kala Saartay Heerka Xorriyada Hadalka Ee Somaliland Iyo Somaliya Iyo Hal Qodob Oo Ay Somaliland Ku Canaanatay

Date:

Warbixin caalami ah oo uu shalay soo saaray machadka lagu magacaabo Freedom House, oo lagu baahiyay wargeysyada ugu waaweyn wadanka Ingiriiska, ayaa kala saartay heerka ay kala taaganyihiin xorriyada hadalka ee dalalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanay ku kala dartay laba qaybood oo aad u kala fog.

Warbixintaas, oo dalalka u kala qaybisay saddex kooxood oo kala ah inay dalalka qaar ka jirto xorriyad dhammaystiran, qaar ay ka jirto xorriyad badh ah iyo qaar aanay xorriyadiba ka jirin. Waxa ay Somaliland warbixintani ku dartay wadamada ay xoriyada hadalku ka jirto balse aanay dhammaystirnayn taas oo ah kaalinta labaad oo ah xorriyad badh ah, waxaanay Somaliland kaalintan kula jirtaa  59 dal oo ay ka mid yihiin wadamada Kenya, Malaysia, Maali, Nayjeeriya iyo kuwa kale.

Halka ay Somaliya ku jirto kaalinta saddexaad oo ah dalalka halista ah ee aanay ka jirin xorriyada hadalku. Somaliya waxa ay kaalintan kula jirtaa 50 dal oo ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan, Suuriya, Sucuudiga Qatar, Ruushka iyo Ruwaanda iyo kuwo kale.

Waxa iyaguna jira 86 dal oo lagu daray kaalinta wadamada ay xorriyadooda hadalku buuxdo amaba dhammaystirantahay, waxaana dalalkaas ka mid ah Maraykanka, Ingiriiska, Kanada iyo kuwo kale.

Warbixintu, waxa ay wadamada Somaliland, Afgaanistaan iyo Koonfurta Suudaan si isku mid ah ugu canaanatay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dhici lahaa sannadkii 2015 oo ay sabab u noqdeen laba arrimood oo kala ah dib u habayn sharciyeed iyo dhibaatooyin amni.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...