Somaliland: Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Maanta Gabiley ka fulisay Mashaariic kala duwan oo isugu jirta Xadhig ka jarid, Kormeer guud iyo Deeqo kala duwan oo ay marwadu bixisay + Gurmadka Abaaraha.

Date:

Wafti balaadhan oo ay hogaaminaysay Marwada koowaad ee Madaxwaynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed jirde oo ay wahelinayeen Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Af-hayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Geydh), Maareeyaha Sama-falka Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, iyo Haween waynaha Ururka Now iyo Masuuliyiin kale.

Waftiga wax kaantaroolka Caabudla ku sugaayey Maamulka heer degmo iyo ka gobolka Gabiley oo ay wehelinayeen waxgaradka Gobolka iyo Haween tiro badan.

Ka dibna waxay marwada iyo weftigii la socday loo gelbiyey dhinaca Arabsiyo oo ay marwadu ka bilowday ujeedada safarkeeda iyadoo ugu horayba xadhiga ka jartay Kawaanka Hilibka ee degmada Arabsiyo oo ay iska kaashadeen Golaha Deegaanka iyo Dawladda Hoose ee Gabiley.
Ka dibna waxay weftigi uga sii gudbeen dhinaca magaalada Gabiley waxaanay marwadu xadhiga ka jartay Waddo 1KM ah oo isku xidhi doonta dawladda Hoose ee gabiley iyo magaalada, waxa kale oo ay xadhiga ka jartay dhisme dabaq ah oo ay yeelan doonaan Golaha Deegaanka Gobolka iyo Dawladda hoose ee Gabiley.

Marwada oo ku guda jirta xadhig ka jarida mashaariico tiro badan oo laga hirgeliyey gobolka ayaa xadhiga ka jartay Sariibad weyn oo laga hirgeliyey gabiley.

Waxa kale oo ay agab Kambayuutaro ah oo dhan 23-Computers ku wareejisay Dugsiga Qalax2 Secondary, deeqdaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyada iyo Golaha Deegaanka Gabiley.

Intii lagu gudo jiray mashaariicdaasi waxa ay marwadu xadhiga ka jartay Xarunta Ururka Now ee Gobolka Gabiley, sidoo kale waxa ay marwadu xadhiga ka jartay laba Fasal oo lagu kordhiyey dugsiga hoose dhexe ee Bilic-weyne dhismahaas oo ay golaha deegaanka ee gabiley bixisay kharashkiisa.

Intii lagu guda jiray magaalada Gabiley waxa ay marwadu kormeer ku tagtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Mo Farah oo hada dhismihiisu ka socdo koonaha magaalada.

Ka dibna weftigii marwadu waxay uga sii gudbeen dhinaca kala baydhka halkaasi oo ay marwadu markii ay gaadhay si weyn loogu soo dhaweeyey, iyadoo xadhiga ka jartay saldhig boolis oo halkaasi laga hirgeliyey, waxaanay ku wareejisay gaadhi boolis oo loogu adeegi doono degmada.

Marwada iyo weftigii ay hogaaminaysay oo ay wehelinayeen maamulka gobolka gabiley waxay si wada jira u soo kormeereen wadada isku xidha Kala-baydhka iyo Degmada Dilla oo mudooyinkii u danbeeyey ay ka socotay hawl-balaadhan oo dib loogu dhisaayo jidkaasi oo imika gebegebo ku dhaw.

Ugu danbayntii weftigii marwadu waxay ku soo laabteen magaalada Gabiley, halkaas oo loogu sameeyey weftiga hadhimo sharafeed.

Waxaana halkaa si wada jira uga hadlay Maayarka gabiley, Chief Caaqil Xabeeb iyo marwada Koowaad ee madaxwaynaha oo maamulka gobolka, Dawlada Hoose ee Gabiley iyo Golaha Deegaankaba ku hambalyeysay sida qiimaha leh ee ay ugu dedaaleen in ay gobolka ka hirgeliyaan mashaariico tiro badan oo halmar wada dhamaada, sidoo kale waxay marwadu u mahadnaqday shacbigii ku soo dhaweeyey jidadka iyo magaalada Gudeheeda intii ay ku guda jirtay hawlaha shaqo uga mahadnaqday soo dhawayntii ay kala kulantay, iyadoo tidhi gabiley waxay caan ku tahay soo dhawaynta iyo qadarinta madaxdooda wanan uga mahadnaqayaa sida ay noo karaameeyeen ee ay noo qaabileen maanta, waxaanay noo soo dhaweeyeen sidii Innan Gurigeedkii ku soo noqotay.

Isla goobtaana Waxay marwadu kaga dhawaaday 100 Booyadood oo biyo ah in lala gaadho Dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaamada hoos yimaada Gobolka Gabiley.
WA-BILAAHI TAWFIIQ

12705679_907370782710109_732164352884939372_n 12742119_907370826043438_6263753967468815267_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...