Sacuudiga oo diyaarado dagaal iyo ciidamo u diraya Turkiga si ay u duqeeyaan Siiriya

Date:

Dowlada Turkiga ayaa Sabtidii shalay xaqiijisay in Boqortooyada Sacuudiga ciidamo iyo Diyaarado dagaal usoo diri doonaan wadanka Turkiga, kuwaasi oo ka qeyb qaadan doona dagaalka ka socda wadanka Siiriya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa shalay xaqiijiyey in dowlada Turkiga ay ogolaansho siisay in ciidamada Sacuudiga ay ka hawlgalaan saldhigyada militari ee ku yaal wadankaasi Turkiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa todobaadkii tagay shaacisay inay ciidamo u diri doonto dalka Siiriya, sidoo kale dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay keenaan ciidamo ka dagaalama Siiriya. Dalalka Khaliijka ayaa qorshahoodan ku sheegay mid lagula dagaalamo kooxda Daacish.

Balse dowlada Siiriya iyo xulafadooda Ruushka ayaa ka digay in dalalka Khaliijka ciidamadooda soo galaan wadanka Siiriya, Ruushka ayaaba ka digay in tilaabadaasi ay keeni karto dagaal Caalami ah oo dhexmara isbaheysiga NATO iyo Ruushka.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey magaalada Brussels kulan ku yeesheen dalalka isbaheysiga NATO iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka oo ka shirayey sidii ay dar dar u gelin lahaayeen la dagaalanka ISIS.

Qorshaha NATO iyo dalalka Khaliijka ayaa u muuqda mid looga jawaabayo hawlgalka Militari ee Ruushka gacanta ku siinayo xukuumada Siiriya ee Bashaar Al Assad oo hada u muuqata inay ku gacan sareyso dagaalka ka socda dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...