Ururka al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtey masuuliyadda qaraxii ka dhacay diyaaradda Daallo Airlines todobaadkii hore.
Warbixin ka soo baxdey ururka al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Ururku bartilmaameedsadey koox kamid ah Sirdoonka reer-galbeedka oo diyaaradda saarnaa iyo saraakiil u dhalatey Turkiga oo ka tirsan Isbahaysiga NATO. Warbixinta ay soo saaren al-Shabaab oo al-Jazeera sheegtey in ay arkeen ayey ku sheegteen al-Shabaab in ay ahayd aargoosi ay la doonayeen reer galbeedka denbiyadii ay Muslimiinta ka galeen.
Ururka ayaa sheegtey in sababta ay Daallo Airlines u weerareen ay tahay markii Turkish Airlines oo ahayd bartilmaameedkooda ay baajisey marar isku xiga duulimaadkeedi
Weerarkan oo dhacay todobaadkii hore maalintii Salaasada ee 02 Feberaayo waxaa ku geeriyoodey ninka la aaminsan yahay in uu qaraxa fuliyey oo magciiisa lagu sheegey Cabdullaahi Cabdisalaam Boorle oo ahaa 55 jir ah, waxaa ku dhaawacmey laba qof oo ka mid ahaa rakaabka, diyaaradda oo nabad qabta waxay dib ugu soo laabatey garoonkii ay ka duushey ee Adan Cadde muddo 30 daqiiqo ah kadib duulimaadkeedi.
Dowladda Federaalka iyo hay’ado caalami ah ayaa farta ku fiiqey in al-Shabaab ka danbeeyaan weerarkan, waxaana istaagey duulimaadyo badan oo horey u tegi jirey garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde.
Al-Shabaab ayaan durbadiiba horey ka sheegan weerarkan dhicisoobey.
Kadib qaraxii Dallo Airlines waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde, inkasta oo aysan waxba ka bedelin adkeyntaas oo diyaaradihii ganacsigu weli xaniban yihiin.