Turkey: “Dulqaadkii waa naga sii dhamaanayaa”

Date:

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegey in Turkiga dulqaadkii ka sii dhamaanayo,marka la eego dhibaatada ka dhalatey dagaalka Siiriya. Waxa uu ka digey in Malaayiin qaxootiga Siiriya ah ay ku sii daynayaan Dalalka Midowga Yurub.

– Turkiga dulqaadkii waa ka sii dhamaanayaa, arrimo gaar ah dartood, waxaana ku khasbanahay in aan ka jawaabno, ayuu yiri Erdogan oo khudbad uu jeedinayey si toos ah looga sii daayey Telefishanka.

Erdogan ayaa khudbadiisa u digey Midowga Yurub waxaana uu sheegey in ay qaxootiga u fasaxayaan in ay aadaan meeshey rabaan.

– Waxaan u sheegney Midowga Yurub, in aan albaabada u fureyno qaxootiga kuna dheheyno Nabadeey!, laakiin weli waanu deganahay. Ha u malaynina in aanan u diyaar garoobin in aan u diyaarino basas iyo diyaarado qaxootiga ayuu yiri Erdogan oo u hanjabaya Midowga Yurub.

Qaylada ka soo yeereysa Turkiga ayaa la xiriirta duqeynta aan loo meeldayin ee Ruushku ka wado dalka Siiriya, waxaana ay si joogta ah u duqeeyaan gooabaha ay ku sugan yihiin Mucaaradka lagu tilmaamo qunyar socod, iyo weliba dadka Turkimaanka ah, iyaga oo kaalmeynaya ciidamada Bashar al-Assad.

Turkiga ayaa ku eedeeyey Ruushku in ay doonayaan in dadka Turkimaanka ah ay ka saaraan Khariidada Siiriya. Ruushka ayaa geeyey Siiriya qalabkiisa difaaca cirka kuwa ugu casrisan, kadib xiisaddii Turkiga iyo Ruushkja ee ka dhalatey diyaaraddii laga soo ridey Ruushanka.

Turkigu waxa ay doonayaan in culeys la saaro Ruushka si uu u jeejoyio duqeynta uu ku taageerayo Bashar al-Assad, haddii kale ay qaxootiyada siinayaan waddo kasta oo ay ku geli karaan dalalka Midowga Yurub.

Kumaankun Siiriyaan ah ayaa soo gaarey xuduudka Turkiga, Qaramada Midoobey ayaa ka dalbatey Turkiga in ay u furaan Turkiga albaabkooda qaxootiga dhooban xuduudka, hadalkaas oo Turkigu canbaareeyey kuna tilmaamey laba wajiilinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...