Somaliland: Xaglo Toosiye oo ka badbaaday Weerar Dablay Khaatumeysani ku qaaddey Iyo Ciidammada Qaranka & Maleeshiyaadka Cali Khaliif oo ku dagaalamay Gudaha Buuhoodle

Date:

Dagaal aan waxba la iskula hadhin, ayaa Habeen hore gudaha Magaalada Buuhoodle ku dhex maray Ciidamo ka tiran Milletariga Somaliland iyo Maleeshiyaad Kooxda Khaatumo ah.

Dagaalkan oo inta la ogyahay uu ku dhaawacmay Hal qof oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Kooxda la baxay Khaatumo, ayaa bilaabmay ka dib, markii Dablay Kooxda Khaatumo ahi Weerar ku qaadday Gaadhiga Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay Magaalada Buuhoodle dhexdeeda wateen Saddex ka mid ah ilaaladiisu.

Wariye ku sugan Magaalada Buuhoodle oo la socda Wasiirka Caafimaadka, ayaa ku waramay inuu Dagaal dhex maray ilaalada Wasiirka ee Gaadhiga watay iyo Dablayda Khaatumo oo la rumaysan yahay inay doonayeen inay Wasiirka Khaarajiyaan.

Laakiin, Is-rasaaseyn dhex martay ilaalada Wasiirka ee Keligood watay Gaadhiga iyo Dableydaas ka dib, waxa Ciidammada Qaranka ee ku sugan Magaalada Buuhoodle waxay Kowdii Habeennimo weerareen Guriga uu Magaalada Buuhoodle ka deggan Yahay Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, waxaana Dagaal aan waxba la iskula hadhin halkaa ku dhex maray Maleeshiyaad gaadh ka hayey Gurigaasi, sida sheegayo Wariye Nimcaan Axmed Dagaal oo ku sugan Magaalada Buuhoodle oo Xalay u waramay Telefiishanka Bulsho Tv, “Gaadhiga Wasiirka Caafimaadka oo ay saaran yihiin Saddex ilaaladiisa ah, ayaa waxa Rasaas ku furay Koox ka mid ah (Khaatumo) oo Jidka u gashay, laakiin, Saddexda Askari ee ilaalada Wasiirka Caafimaadka ah ayaa iska difaacay kooxdaasi. Laakiin, Ciidammada ka tirsan kuwa Qaranka ee ku sugan Buuhoodle, ayaa iyaga oo ka duulaya Arrinkaas waxay habeen hore 1:00-dii Weerar ku qaadeen Guriga uu Buuhoodle ka deggan yahay Caii Khaliif Galaydh, kaas oo markii dambe ka Cararay, ilaa Haddana (Shalay) Ciidammadu way ku hareeraysan yihiin Guriga.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Wariyuhu, “Xabaddu waxay bilaabantay Kowdii waxayna joogsatay illaa Saddexdii iyo Badhkii Habeenimo, waxaana khasaare ka dhashay Hal qof oo ka dhaawacmay Dhankooda (Khaatumo). ilaa Imika (Shalay) waxaad Magaalada Buuhoodle ka dareemaysaa dhaqdhaqaaq Ciidan oo aad u xooggan.”

Wariyuhu ma sheegin halka uu Cali Khaliif tagey markii sida uu sheegay uu ka cararay Guriga ay Ciidammada Qaranku ku weerareen, laakiin, Warar Madax-bannaan oo Wargeyska Himilo ka helay Buuhoodle, ayaa sheegay in xilliga dableyda Khaatumo weerareen gaadhiga uu Wax yar ka hor uun ka dagey Gaadhiga Wasiir Xaglo-toosiya, isla-markaana doonayeen inay dilaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...