Somaliland: Wasiirro Tafaasiil Khaldan ka bixiyey Warqadda Tiyeetarka Xukuumaddu ku bixisay, Ciqaabta Sharcigu ka dhigayo & Halista Muranka Taagan ku yeelan karo Maalgashi Dibadeed

Date:

Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa tafaasiil aan sax ahayn ka bixiyey Qoraal Wasiirkii hore Hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aar faahfaahin kaga bixiyey cabirka dhulka Xukuumaddu siisay Ganacsade Cumar Caydiid Axmed, isla-markaana dhinac taageeray dooddiisa, laba dhinac oo muran sharciyadeed u dhexeeyey.
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyeynta Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) iyo wasiirka Warfaafinta Cabdillahi Maxamed Daahir Cukuse oo doraad ka hadlayey muranka ka taagan dhulkii Tiyaatarka Hargeysa ayaa eedeymo u soo jeediyey Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo Madaxweyne Siilaanyo sifo sharci ah ku siiyey dhammaan dhulkii uu lahaan jiray Tiyaatarka Hargeysa, marka laga reebo inta Tiyaatarku ka dhisan yahay iyo dhul barxaddii loo istaagayey ah.
Labada wasiir ayaa iska daba maray in Ganacsade Cumar Caydiid sifo sharcidaro u dhistay dhul aanu sharci u haysan, isla-markaana si cad uga been sheegay qoraal rasmi ah oo Xukuumaddu ku siisay lahaanshaha dhulka uu dhistay dhismayaasha saddexda jiho ka xiga tiyaatarka, marka laga reebo jihada Galbeed oo barxaddii loo marayey dhismaha tiyaatarka oo hanti qaran ah uga tegay.
Inkastoo labada wasiir soo bandhigeen wareegto Madaxweyne Siilaanyo ku siiyey dhulkii barxadda tiyaatarka niman salaadiin ah, oo ah dhulka bannaan ee hantida ganacsade maalgelinta ku sameeyey iyo dhismaha tiyaatarka oo hanti dawladeed ah u hadhay in loo soo maro ayey dhinaca kale bulshada u sheegeen inuu jiro waddo u dhexeysa dhulka la siiyey labada suldaan iyo tiyaatarka kuna caddahay waraaqaha dawladda hoose soo saartay.
Wasiirka Warfaafinta Cabdillahi Maxamed Daahir Cukuse oo dhinacyada uu u dhexeeyo muranka sharciyeed ee lahaanshaha (parking area) uu ka dhisnaan jiray baarkii tiyaatarka ayaa isagoo dhinac taageeraya wuxuu yidhi, “Raggaa la midka ah ee qaarkood ka lacag badan yihiin Cumar Caydiid lacag baa dawladda looga shubay oo khasnada dawladda ku dhacday. Hal shilin rasiidhkiisa Cumar Caydiid idiinma keenayo uu leeyahay lacagtaa ayaa la igaga shubay, bilaash baa lagu siiyey. Dhulka Tiyaatarku ka dhisan yahay cabbir gaar ah ayuu leeyahay, dhulka Cumar Caydiid la siiyey Cabbir gaar ah ayuu leeyahay, dhulka ka baxsan ee nimanka salaadiinta la siiyeyna waxa ku qoran cabbir kale. Waxaan doonayaa inaad kamaradihiina ku qabataan qoraalkan oo kala caddeynaya, markhaatina ka ah qof walba Madaxweynuhu halkuu siiyey. Dhulka Tiyaatarka ma laha, dhulka kale ee 4,607m2 ee dhismaha dheer ka dhistay isagaa leh, Madaxweynahaa siiyey Cumar Caydiid, dhulka kale ka soo hadhay Madaxweynahu xaq ayuu u leeyahay cidduu siinayo.
Qoraalka Wasiirka Warfaafinta Cabdillahi Cukuse warbaahinta tusay, kuna sheegay inuu yahay markhaatiga kala caddeynaya meesha qof walba Madaxweynahu siiyey ayey ku qornayd, sida gudaha ka muuqata :-“Guud ahaan dhulka Tiyaatarku waa 9.200m2. inta tiyaatarku ka dhisan yahay waa 2.400 m2, inta barxada ah (parking area) ee baarkii tiyaatarku ka dhisnaan jiray waa 2193m2, inta Maalgashaduhu (Cumar Caydiid Axmed) yeelanayaa waa 4,607m2, isugeynta cabiradaa waxay noqonaysaa qiyaasta dhulka 9.200m2) oo ku saxeexan yahay wasiirkii hore Wasaaradda Hawlaha Guud Mr. Ismaaciil Muumin Aare, oo Madaxweyne Axmed Siilanyo u magacaabay xilka markuu dhisay Xukuumaddii u horeysay.
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyeynta Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) oo ka hadlaya dhulka Madaxweynahu siiyey dhinaca kale ayuu sheegay inuu yahay, “Dhul jihada galbeed Dawladda Hoose ka xigta, Koonfur Waddo, Waqooyi Waddo, cabirkiisuna yahay 20m+85m. dhulkan salaadiinta iyo Tiyaatarka waddo ayaa u dhexeysa, sida digreetada Madaxweynaha ku taal. Waddada u dhexeysa Tiyaatarka iyo dhulka salaadiinta cabirkeedu waxuu ku yaalaa waraaqaha Dawladda Hoose soo saartay. Saddexda jihana waxa ka xiga waddooyin marka Tiyaatarka laga reebo.”
Mr. Cali Maxamed Cali-Mareexaan oo hadlayey dhulka lahaanshahiisa labada dhinac mid walba xaq u leeyahay ayaa yidhi, “Haddii Cabbir isku mid ah la wada siiyey dee dawladdaa khaldan, haddii mid walba waxiisa la siiyey oo waraaqahiisa ugu cadyihiina, qofka waxaanu lahayn doonayn ayaa khaldan.”
Sidoo kale, hadalkii Wasiirada hawlaha guud iyo Warfaafinta oo xil u haya ummada Somaliland ku durayeen ganacsade Cumar Caydiid Axmed iyo deedafaynta qoraaladii rasmi ahaa ee lahaanshaha dhulkiisa ku mulkiyey, sidoo kale ku taageerayeen dhinaca kale salaadiinta muranka sharciyadeed u dhexeeyo ayaa gef ku ahaa milgaha xilka ay hayaan, isla-markaana keenaya dembi ciqaabtiisa leh, sida xeerka ka hortaga ku tagri-falka Hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Xeer Lr. 38/2007 Xeerka ka hortaga ku tagri-falka Hantida Qaranka & la-dagaalanka Musuqmaasuqa, oo madaxweynahii hore Daahir Rayaale Kaahin saxeexay 31 Dec, 2007 ayaa Qod. 4aad. Oo ka hadla Qoraalada Been-abuurka una dhigan tahay sidan:
1) Sarkaalka guud ama qof kasta oo inta shaqada loo igmadey ku jiro sameeya qoraal been abuur ah ama qayb ka mid ah been abuura ama been ka sheega qoraal sax ah isago ujeeddooyin gaar ah ka leh waxa lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 1 (Hal) sano ilaa 8 (Siddeed) sanno.”
Dhinaca kale, Dastuurka Somaliland ayaa si cad u qeexaya waajibka xukuumadda ka saran ilaalinta nabadgelyada maalgashiga dibadeed, sidoo kale xeerka maalgashiga dibadeed ee baarlamaanku ansixiyey ayaa dhigaya dhamaan shirkadaha maalgashi ee dibadeed waa inay helaan tashiilaad soo dhoweyn sida kuwa dalka
Muranka iyo khilaafka ka taagan dhul uu maalgelin ku sameeyey ganacsade Cumar Caydiid Axmed ayaa saamayn halis ah ku yeelan doona helitaanka maalgashi dibadeed oo ganacsato dibadeed ka sameeyaan dalka, isla markaana xilligan jiraan wadammo iyo shirkado badan oo si dhow ula socda halka ay ku dhamaato iyo xalka xukuumadu ku dhamayso khilaafkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...