Koonfurta dalka Jarmalka waxaa isku dhacay laba Tareen oo kuwa rakaabka ah. Ugu yaraan sideed qof ayaa ku geeriyooday, 150 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen. Shilkan ayaa ka dhacay meel ku dhaw magaalada Bad Aibling oo ku dhaw xadka Jarmalku la wadaago dalka Austria.
Waxaa weli socda badbaadinta dadka waxyeeladu ka soo gaartey shilkan, iyada oo dad badan weli ku xaniban yihiin halka shilku ka dhacay.
Qaar kamid ah dadkii waxyeeladu soo gaartey ayaa lagu qaadey diyaaradaha qumaantiga u kaca iyada oo la gaarsiiyey Isbitaalada. Qaar kale oo kamid ah dadka dhaawacmey ayaa lagu qaadey doomaha dheereeya.
Dadka qaba dhaawacyada ayaa ah kuwo aad u daran qaarkood oowaxay badan kod ka jabeen lugaha.
Stefan Sonntag oo u hadley Boolioska ayaa sheegay in shilkaani kii yahay kii u xumaa ee halkaas ka dhaca muddo sanado ah, wuxuu sheegey in ay goobta ku sugan yihiin dhakhaatiir iyo diyaaradaha qumaatyiga u kaca oo ka qaybqaadanaya bad-baadinta rakaabka