Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay maayarka Gabiley ku wareejisay deeq isugu jirtay lacag iyo Timir oo loogu taalo galay dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee goboladda galbeedka, deeqdaasi oo ay soo direen gabdho degan dalka Sucuudiga.
Munaasibadii lagu wareejinayay lacagtaasi oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, wasiirka ganacsiga ganacsiga Muuse Qaasim, xildhibaan Ibraahim Kacaan iyo xubno ka socday hay’adda Al-hudda.
Wasiir Samsam, oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa ka warantay lacagtaasi iyo cidii soo bixisay. Waxaanay tidhi “Waxaan maayarka degmadda Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ku waraajinayaa 10,000 kun doolar, oo ay soo direen Hablaha reer Somaliland ee degan magaalooyinka DAHRAAN iyo JUBEEL ee dalka Sucuudiga oo ka damqaday Abaaraha dalkeenna ka dhacay, oo daawaday markii aanu xeebaha ka wadnay gurmadka waxaanan ku wargeliyay in aanu deeqdooda ku wareejinayno gobalka Gabiley oo sida aad ka warqabtaan Abaaro adagi ka dhaceen, qorshahana noogu jiray in gurmad la gaadhsiiyo, wayna nala qaateen Hablaha muxsiniinta ah ee deeqdaasi iska soo ururiyay, ALLE-na Waxaan uga baryayaa in uu miisaanka xasanaadka ugu daro oo uu ka abaalmariyo”.
“Waxaanan maayarka ku wareejinayaa 10,000 kun ee doolar iyo 500 kartoon oo timir ah iyo 500 kartoon oo Saliida waxay hore shirkadda Oomaar ugu wareejisay 500 qoys 1000 kun kartoon oo Baasto iyo daqiiq isugu jira. Waxaan ALLE uga baryaynaa in uu abaaraha inaga soo jabiyo, waxaanan qorsheheena qaran yahay in kolba meeshii xaaladeedu xumaato aynu isugu gayno awoodeena shicib iyo dawlad-ba”ayay tidhi wasiir Samsam.
Iyadoo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi “Waxaa deeqdaasi na soo gaadhsiiyay Dhamac Baaruud Yuusuf, oo ay ku soo hagaajiyeen hablahaasi waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa ganacsade Jaamac Oomar oo isagu si muuqata uga qayb qaatay gurmadka abaaraha meelkasta oo ay dalkeenna abaari ka jirto hay’adda AL-HUDA iyo SAMSAM Foundation oo abaaraha wax weyn ka qabtay”.
Maayarka Gabiley oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waxaa noo farxad ah in aanu wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland kala wareegno deeqdaasi, isugu jirta tobanka kun ee dolar iyo 1000-ka kartoon ee Saliidda iyo Timirta. Waxaanu halkan uga ducaynaynaa hablahaa u soo damqaday dadkooda maanta abaaruhu hayaan.
Waxaananu uga baryaynaa in uu ugu bedello wax ka khayr badan oo Awlaada iyo cimrigaba ubarakeeyo. Waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa Wasiirka maaliyada Somaliland marwo Samsam oo kaalin muuqata ka qaadatay guud ahaan abaaraha dalka ka dhacay Bari iyo Galbeed-ba indhaheedana ku soo Aragtay”.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo aan u mahad celinayaa hay’adaha islaamiga ah ee iyagna ka qayb qaatay abaaraha iyo ganacsade Jaamac Oomar oo taariikhdu xusi doonto, waxa uu abaarahaasi ka taray bulshadda”ayuu yidhi maayarka Gabiley.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay xildhibaan Ibraahim Kacaan, oo u duceeyay gabdhahaasi lacagta deeqda ah u soo diray dadka walaalahood ah ee ay abaartu ku habsatay.