Somaliland: Taliyaha Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Booqday Xeebaha Gobolka Sanaag

Date:

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland sareeye guuto Maxamad Xuseen Faarax (Xiirane) oo ay weheliyaan sarakiil sar-sare iyo taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag, ayaa shalay kormeer hawleed ku tagay fadhiisimada xeebaha jiida gobolka Sanaag.

Taliye Xiirane, waxa uu kormeerkiisa hawleed ku maray jiida dheer ee xeebaha gobolka Sanaag, waxaanu booqday fadhiisimada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee Conqor, Shalcaw, Xiis, Maydh iyo Laasa-surad.
Taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu waxa uu halkaasi warbixino kaga dhageystay Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaynu hadda joognaa saldhiga saddexaad ee ciidanka xeebaha Somaliland, ciidankani waxaa uu ku hawl galaa gaadiidkan badda ee hadda hortiina yaala, gaadiidkaasi oo aynu mid mid u eegi doonno, gaadiidku hortiina ayuu yaala, qalabkoodii waa ay haystaan, waana ciidan badda aqoon u leh.”

Taliyaha cusub ee ciidanka xeebaha gobolka Sanaag waxaa uu sheegay in ciidankan degan fadhiisinka saddexaad ay yihiin ciidanka laf-dhabarta u ah ciidamada ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag, isla markaana ay guulo badan ka soo hooyeen xeebaha gobolka, isaga oo arintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “Ciidankani waxay soo hooyeen guulo fara badan, waana ciidanka laf-dhabartiisi, waana raga budhcad badeeda qabta ee tahriibayaasha keena, gacantana ku soo dhiga, kuwani waa mushiinadiii wax lagu kaxeynayay ee dhanka badda, ee dheereeya waa arbiciino, waxaana weeye bahalihii aanu ka qabsanay budhcad badeeda, waana kuwii fadhiga loogu talo galay, kuwa kalana waanu haynaa oo saldhiga ayay yaalaan, laashashkiina waxaa ay yaalan xeebta, waxaana wada rag aqoon iyo waaya aragnimo dheeraada u leh oo loogu talo galay, oo la tababaray.”

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Maxamad Xuseen Faarax Xiirane oo isaguna halkaas hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay kormeerkani yahay kii ugu horreeyay uu ku tago jiidaasi intii uu xilka hayay, waxaanu yidhi “Waa safarkii ugu horreeyay ee aan idiinku imaado, intii aan bedalka ahaa, maanta uun baanay haboonaatay in aan idiin imaado, haddii Illaahay ka dhigana waxaan ugu tala galay inaan soo eegno intan sanadka cusub, masaafada dhulka iyo badda, badweyn buuxda ayaynu haysanaa, yeelkeede ciidanka aanu haynaana waxaa aanu rabnaa inaanu ku buuxino wixii shaqaynaya, aragtida aanu arkaynaana waxaa ayna tusaysaa wax badan inaananu qaramayno , mid Hargeysa iska jooga, mid wax ma tara ah ee aanu qaramayno qof waxtaraya oo hawl kara, deegaanadana sida ay u kala xoog badan yihiin ee ay u kala culus yihiin aanu u eegno, ujeedadayaduna waa sidaas.”

Taliye Xiirane waxaa uu sheegay in ay ciidanka diwaangalin doonaan oo ay fayl u samayn doonaan isaga oo askari kasta lagu diwaangalinayo qorigiisa iyo aqoontiisa waxaanu yidhi taliyuhu isaga oo arrimahaas ka hadalaya “Ta labaad waxa aanu samayn doona, awalkii hore fadhi maanu laheyn laakiin imika fadhi ayaa Hargeysa noo dhamaaday, markaa fadhiga hadii aanu fadhiisano waa in wixii kale ee dhiman la sameeya, waxana la rabaa inaynu isdiwaangalino oo nin waliba uu fayl yeesho, qorigiisa iyo aqoontiisa la fayl gareeyo sida ciidamada kale, faylkiina waanu sidnaa, waxaanan idinku hanbalyaynayaa nimankii tahriibayaasha ahaa ee aad soo qabateen labada jeer intii aan xilka hayay.”

Mr. Xiirane waxa kale oo uu booqday intii uu socdaalkiisan uu ku gudo jiray haan sun ah oo la sheegay in ay ka soo caariday deegaanka Xarshow ee xeebta gobolka Sanaag, taasi oo in mudo ah taalay, waxaanu taliyuhu baaq u diray Hay’adahu inay baadhaan waxa ay tahay haantani “haantan waa haantii ay baddu soo tuftay, Hay’ado badan baananu u sheegnay, noocani waxa uu yahay wali ma garanayno, saakana fariintii ugu danbaysay ayaanu sheegaynaa hadii ILLAAHAY ka dhigo, oo aanu gudbinaynaa oo aanu leenahay, bahashan hala arko, wax alla waxa ay tahayna anagu ma garan karno, safarkayagana qayb ayay ka aheyd inaanu soo eegno haatani iyo waxa ay tahay, oo mudo laga qaylinaayay markaa waa in Hay’adu ka soo baadhaan oo ka soo warbixiyaan haatani waxaa ay tahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...