Somalia: Maamulka Muqdisho oo si rasmi ah u sheegtey in ay gacanta ku hayso degmada Marka

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyey wararkii u danbeeyey ee degmada Marka, kadib markii maamulkeeda uu laba jeer u kala wareegay Dowladda iyo al-Shabaab 24 saac ee u danbeeyey.

Wasiir Diini ayaa sheegay in Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay gacanta ku hayaan degmada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladu yahay mid la isku haleyn karo. Wuxuna ugu baaqay shacabka dagan gobolka Shabellaha Hoose in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Ammaanka.

“….Ciidamadeena iyo ciidamada noo soo gurmadey ee Midowga Afrika, ayaa gacanta ku haya degmada Marka, xaaladuna aad ayay u dagan tahay…” ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas ku darey

-Waxaan dagaal kula jirnaa Argagixisada Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaas dhibaatada ku haya, dhaqanka, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

“….Bulshada ku dhaqan degmada Marko waxaa looga baahan yahay khilaafka dhex-dooda ka jira in ay ku dhameeyaan nabad iyo is af garad, si cadowga ummada Soomaaliyeed uga faa’iideysan khilaafkooda…”ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas raaciyey in guud ahaan deegaanada ay ku harsan yihiin Argagixisadu dhawaan laga saari doono.

Ugu daneyn, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Warbaahinta ugu baaqay in aysan ka badbadin wararka la xiriira xagga amniga, waxana uu shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loga hortago dhagarta ay gaysanayaan Argagixisadu.

Maantey oo Sabti ah ayaa dagaal xooggan ka dhacay banaanka Marka, kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladdu ay maalintii shalay siaga baxeen Marka, waxaana saacado yar kadib la wareegay al-Shabaab, Dagaalka maanta ka dhacay banaanka Marka waxaa u suurta gashey AMISOM in ay mar kale dib u qabsadaan Marka, inkasta oo duhurnimadii maanta ay mar kale baneeyeen degmada oo al-Shabaab ay dib u qabsadeen sida ay sheegaan shacabka ku dhaqan, ma jirto jiho madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada Dowladda.

Kabixitaanka ciidamada AMISOM ee Marka ayaa lagu sifeeyey khilaafaad iyo dagaallo u dhexeeya beelaha halkaas kuwada dhaqan oo ciidamada Dowladdu la kala safteen in ay sabab u ahayd in ciidamada AMISOM ay baneeyaan, kadib markii ay lumiyeen wada shaqeynta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...