Maraykanka oo 7.5 Bilyan ku bixinaya la dagaalanka Daacish

Date:

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) ayaa Salaasadii shalay soo bandhigtay Miisaaniyada militariga Maraykanka ku bixi doono sanadka soo socda ee 2017.

Xoghayaha Gaashaandhiga ee Maraykanka Ashton Carter oo shalay soo bandhigay miisaaniyada Wasaaradiisa ayaa sheegay in militariga Maraykanka u baahan yahay dhaqaale gaaraya 582 Bilyan oo Dollar guud ahaan, 7.5 Bilyan oo kamid ah lacagtaasina ku bixin doonaan la dagaalanka kooxda Daacish.

Qorshaha sanadka 2017 ee Petagonka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanka uu 4 jibaari doono ciidamada ka jooga bariga qaarada Yurub iyo Aasiya, si uu awoodiisa militari u dul dhigo dalalka ay khatarta uga imaan karto sida Ruushka, China iyo Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka Bariga Dhexe ayuu sheegay Carter in khatarta ugu weyn ay tahay Daacish oo ay doonayaan inay burburiyaan.

Miisaaniyada cusub ee Militariga Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyey Isbaheysiga NATO oo iga dhaqaalhoodu ku xiran yahay 72% dhanka Maraykanka.

Baarlamaanka Maraykanka ayaa ka doodaya ansixinta miisaaniyada Militariga Maraykanka oo ah tan Adduunka ugu badan, waxayna miisaniyadan ka badan tahay isu geyn miisaaniyada 10ka wadan ee kusoo xiga Maraykanka dhanka awooda militariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...