Dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed oo digniin u diray Kuuriyada Waqooyi

Date:

Wadamada Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta oo Arbaco ah digniin culus u diray wadanka Kuuriyada Waqooyi oo todobaadkan shaaciyey inuu cirka u diri doono Satellite.

Balse dalalka jaarka la ah Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in aysan Satellite direyn balse doonayaan inay tijaabiyaan Gantaalada ridada dheer oo uu in muddo ah ka shaqeenayey kuuriyada Waqooyi.

Raysalwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa maanta sheegay in ciidamadooda ay heegan ku jiraan isla markaana soo ridi doonaan hadii gantaalka Kuuriyada Waqooyi uu soo galo hawadooda.

Sidoo kale dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in hadalada kasoo baxaya Kuuriyada Waqooyi ay khatar ku tahay amniga caalamka, isla markaana si toos ah uga horimaanayso Qaraarkii Qaramada Midoobay kasoo saaray joojinta tijaabooyinka hubka ee wadankaasi Kuuriyada Waqooyi oo isagu ka go’adoonsan caalamka intiisa kale.

Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii lasoo dhaafay ee Janaayo sheegay inay tijaabiyeen bambaanadii ugu cusleyd ee hubkooda Nuliyeerka, wuxuuna dalkaasi si weyn dadaal ugu jiraa inuu helo gantaalo awoodleh oo meel fog gaari kara isla markaana xambaari kara bambaanooyinka nukliyeerka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...