Somalia: Hal qof oo ku dhintey mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Bosaso

Date:

Xarunta gobolka Bari ahna caasimadda ganacsiga ee Puntland  Bosaso waxaa maanta  oo Isniin ah ka dhacay rabshado ay dhigeen dhalinyaro abaabulan. Rabshadaha ayaa ka dhacay dhanka Koonfureed ee magaalada gaar-ahaan isgoyska loo yaqaan Afar irdood.

Dhalinyaro caraysan ayaa maanta dhigey Mudaaharaad rabshado wata, waxay gubayeen taayirada gawaarida oo dhex-dhigeen laamiga, waxay dhagxaan la dhaceen qaar kamid ah meheradaha ganacsiga ee si gaar ah loo lee yahay. Kadib waxaa soo gaarey goobta ciidanka Amniga kuwaas oo  isku dayey in ay kala cayriyaan dhalinyaradii rabshadaha dhigay.

Dhalinyarada dibadbaxa dbigay, ayaa qaarkood ku hubeysnaayeen qoryaha fudud ee loo yaqaan AK47, kuwaas oo rasaas kala hortagey ciidanka amniga, waxaana Ciidamadu amnigu ku jawaabeen rasaas. Wararku waxay sheegayaan in mid kamid ah ciidankii Booliska uu ku nafwaayey rabshadihii dhexmarey iyaga iyo dhalinyarada dibad baxa dhigeysey.

Masuul kamid ah laamaha amniga oo Horseed Media la hadley dalbadeyna in aan magiciisa la xigan ayaa sheegaya in Mudaaharaadyadan ay ak qayb-qaadanayaan Kooxaha Argagixisada ah ee muddooyinkii danbe hurdey kuwaan oo ka faa’ideysanaya rabshadaha dhalinyaradu dhigayaan. Sidoo kale masuulkan ayaa ku eedeeyey in waxa socda uu soo abaabuley Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo xilka aan ka sii maqneyn muddo sanad ah.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Ninka la yiraahdo Cabdisamad Gallan ayaa sheeganaya kacdoon uu ugu magacdarey dadka gobolka deggan, kaas oo muddooyinkii danbe ku faafinaayey baraha bulshadu ku xiriirto sida Facebook waxaana uu sheegay in uu doonaayo qof aan u dhalan gobolka Bari in aanu waxba ka noqon karin. Lama oga halka doonitaankiisu salka ku hayo marka la eego masuuliyadda Gobolka Bari ayaa ah mid aan isbedelin tan iyo xukuumaddii tan ka horeysey oo  isagu markaas ka mid ahaa.

Xaaladda ayaa ah mid haatan degan, waxaana ciidamo badan la geeyey goobaha ay rasbhaduhu ka dhaceen, lamana oga tallaabada ciidanku amnigu qaadi doono kadib rabshadihii maanta ka dhacay Bosaso. Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Bosaso.

Rabshadahan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas uu ku sugan yahay magaalada Bosaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...