Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Maxamuud, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.
Madaxweynaha iyo Mr Ban Ki-moon ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, xuquuqda aadanaha iyo arrimo kale.
Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.
– Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey, waxaana horumarkaasi la gaarey gacan weyn ka geystey Qaramada Midoobay. Waxaan ku faraxsanahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka Soomaaliya garab istaageen xilli xasaasi ah oo taageeradooda loo baahnaa. Dhowaan waxaan ku guuleysaney inaan la imaanno qaab doorasho oo aan u qaadaney doorashada waddankeena ka dhacaysa sannadkan. Waan rajeynayaa in Qaramada Midoobay ay sii waddo wadashaqeynta iyo iskaashiga ay inala leedahay’’, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.
Ban Ki-moon ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah aadminimada.
Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka wadahadley qaabka loo tayeyn karo hawlgalada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, hawlgaladaas oo muhiim ah la dagaalanka argagixisada.
Sanadkii 2012 ayaa Dowaldda uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Xasan Maxamuud la siiyey awood ah in ay dalka gaarsiiyaan doorasho hal qof iyo hal cod ah, taas oo noqotey mid lagu fashiley isla markaana dib dalka loogu celiyey nidaamki lagu soo dhaqmaayey ka hor 2012 ee 4.5.