Xarunta Midiowga Afrika ee Addis Ababa waxaa ka fumey shirkii sanadlaha ahaa ee Midowga Afrika. Shirkan ayaa qodobada horyaala waxaa ugu weyn qalalaasaha ka taagan qaar kamid ah dalalka Midowga ku jira.
Shirkan waxaa furey Madaxweynaha Zimabwe Mr Mugabe, ahna Madaxa wareega ee hadda xilka banaynaya ee Midowga Afrika.
Furitaankii shirka waxaa lagu soo qaatey askartii dhawaan lagu diley gobolka Gedo ee ka socdey dalka Kenya, waxaana ka tacsiiyey Dr. Dlamini Zuma oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, waxaana uu furitaankii shirka ka jeediyey khudbad taabanaysa Midowga Afrika, isaga oo sheegay in ay tahay tii ugu danbeysey ee u jeediyo shirka sanadlaha ah ee Midowga Afrika.
Ban Ki-moon ayaa soo hadal qaadey hawlgalka Midowga Afika ka wado Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay rajada Soomaaliya ka muqatey ee Midowga Afrika qayb ka yahay.
Dalala badan oo Afrikaan ah ayaa sanadkan doorashooyin ka dhacayaan, waxaana Ban Ki-Moon ugu baaqey in aysan qalalaase isu bedelin doorashooyinkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda ka qaybgalaysa shirka 26aad ee Midowga Afrika.