Tababaraha kooxda Chelsea ee Guus Hiddink ayaa ka hadlay labada saxiix ee ay Chelsea ku dhawdahay in ay dhamaystirto ee Alexandre Pato iyo Matt Miazgo. Blues ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixyada difaacii kooxda New York Read Bulls ee Matt Miazgo iyo Alexandre Pato balse ilaa hadda lama dhamaystirin saxiixa labadan xidig.
Hiddink ayaa isaga oo ka hadlaya Alexandre Pato yidhi: “Si fiican ayaa loo sawiray Alexandre Pato, maalmahan danbe ma jiraan wax sir ahi, Pato waxa uu hadda ku jiraa hanaanka maamul waananu sugaynaa.Marka aad soo iibsanayso ciyaartoy ay waajib ku tahay in ay sameeyaan talaabada xigta, waa mid halis badan, heshiis amaah ah ayaa qof kasta u fiican. Waxaanu Pato siin doonaa waqti uu ku dego kadib isaga ayay u talaa”. ayuu Hiddink sheegay isaga oo ka hadlayay imaantinta Alexandre Pato ee Chelsea.
Intaa kadib ayuu Guus Hiddink shaaca ka qaaday in Cheslea ay ku dhawdahay dhamaystirka difaacii kooxda New York Read Bulls ee Matt Miazgo, wuxuuna Hiddink xidigan ku amaanay in uu yahay da’yar mustaqbal wayn leh wuxuuna yidhi: “Matt Miazgo waa ciyaartoy mustaqbal leh, ma dadajinayno laakiin waxa uu mustaqbalka ka mid noqon doonaa xunin ka mid ah kooxda”.
Hiddink ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Matt Miazgo waa nin da’yar ah oo isku taagay kooxda xulka qaranka, waxaad tababarka ku arki kartaa waxa ay ciyaartu awoodaan”. Chelsea ayaa la sugayaa in ay kuwada dhawaaqi doonto saxiixyada Matt Miazgo iyo Alexandre Pato