Tajikistan: Sharciga cusub ee la dagaalanka Argagaxisada oo keenay in garka laga xiiro rag gaaraya 13.000!

Date:

Dowlada Tajikistan ayaa ku dhawaaqday olole ay sheegtay inay kula dagaalameyso kooxaha islaamiga ah ee ku sugan wadankaasi, waxayna xukuumada dalkaasi ka talisa soo rogtay sharciyo lala yaabay oo ay kamid tahay in garka laga xiiro dadka lagu tuhmo xagjirnimada.

Dalkaasi ayey sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen kooxo xagjir ah oo la dagaalamaya dowlada militariga ee dalkaasi ka taliso oo uu hogaamiyo Madaxweyne Emomali Rahmon.

Ciidamada wadankaasi ayaa la sheegay inay todobaadkan garka si khasab ah uga xiireen rag gaaraya 13.000, waxaa sidoo kale sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada lagu xiray dukaano badan oo lagu iibiyo dharka asal ahaan kasoo jeeda dalalka Carabta.

Go’aanadan adag ayaa waxaa kasii horeeyey sharci cusub ee bartamihii bishan Janaayo looga mamnuucay dalkaasi dhamaan isticmaalka Magacyada CARABIGA ah, waalidiinta ayaa sidoo kale loo sheegay in caruurtooda u bixiyaan magacyada taariikh ahaa la bixi jireen ummadaasi, sharcigaasi oo uu ansixiyey baarlamaanka wadankaasi. Waxaa sidoo kale wadankaasi laga mamnuucay Niqaabka.

Wadanka Tajikistan oo shacabkiisa u badan yihiin Muslimiin ayaa horey uga mid ahaan jiray dalalkii Sofiyeetka wuxuuna xaduud la wadaagaa wadanka Afghanistan.

 

Dhalinyaro badan oo wadankaasi kasoo jeeda ayaa la sheegay inay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa wadamada Siiriya iyo Ciraaq, waxayna kooxdaasi xiligan xarumo ka sameysatay gudaha dalka Afghanistaan oo xaduuda laleh dalka Tajikistan

garka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...