Kenya: War Deg Deg ah:-Ciidamada Kenya Oo Diley Guddoomiyihii Degmada Ceel-cadde

Date:

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Kenya ay dileen guddoomiyihii deegaanka Ceelcadde C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay hore u xireen guddoomiyihii deegaanka Ceelcadde iyagoo ku eedeynaya inuu gacan siiyay ciidamada Alshababa ay weeraray saldhiga ay ku lahaayeen ciidamad Kenya deegaanka Ceelcadde.
Aadan Rufle oo sheegay inuu kamid yahay saraakiisha ciidamada Mialtariga ah ee dowlada ee gobolka Gedo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta dalka in gelinkii dambe ee shalay ay ciidamada Kenya ku dileen guddoomiyaha deegaanka Ceelcadde.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hore ugu eedeeyay mid kamid ah beelaha dega gobolka Gedo ay fududeysay weerarkii ka dhacay Ceelcadde. Waxana guddi ay u xilsaartay inay baaritaan ku sameyso weerarkii Ceelcade ay sheegeen in saddex askari oo kamid ahaa ciidamada Kenya oo magan weydiistay mid kamid ah tuuloyinka ku dhow Ceelcadde.
Ciidamada Kenya ayaa weeraro duqeyn ah ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Gedo iyadoo duqeyntaana ay waxyeelo ka soo gaartay shacab Soomaaliyeed iyo xoolo ay lahaayeen. Mana jirto wax hadal ah oo ay dowladu ka soo saartay duqeymaha inkastoo golaha baarlamaanka uu ka codsaday Ra’iisal wasaare Sharma’arke inuu baarlamaanka horyimaado si ay su’aalo uga weydiyaan duqeyta ay ciidamada Kenya duqeeyeen deegaano katirsan gobolka Gedo.
Dilka guddoomiyihii deegaanka Ceelcadde ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud uu uga qeybgalayo magaalada Nairobi baroordiiq loo sameynayo askartii ay ururka Alshabaab ku dishey saldhigii ay ku lahayd Ceelcadde.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...