Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Si balaadhan loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa

Date:

Guddoomiyaha gollaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro & wefti uu hoggaaminayo oo u maal-mihii u dambeeyey socdaal shaqo oku maraayey degaanada gobolka Tog-dheer, kaas oo la magacbaxay SAMA-WADE” ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro iyo waftigiisa ayaa si balaadhhan loogu soo dhaweeyey duleedka bari ee magaalada Hargeysa,waxaana laga soo gelbiyeyy Tuullada Burcada ilaa xarunta guud ee Xisbiga WADDANI,waxaana ka qayb-qadanayey soo dhaweyntaa  masuuliyyiinta Xisbiga WADDANI, Xildhibaano iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI,kuwaas oo sitay Calanka Jamhuuriyada Somaliland iyo astaamaha u gaar ka ah Xisbiga WADDANI.

Md C/raxmaann Cirro iyo waftigiisu waxay ku hakadeen kaantaroolka bari ee maagalada Hargeysa “Tuullada Halaya”,halkaasi oo uu Md Cirro  ku salaamay taageeraayaa tiro badan oo sitay sawirradiisa iyo astaan Xisbiga WADDANI, isla markaana wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad kooban oo uu ugu mahadnaqayo dad weynaha soo dhaweeyey iyo shacabka reer Tog-dheer  oo uga mahadceliyey intii ay ku sugnaayeen gobolkaasi sida heerka sare ah ee ay u qabileen,isla markaanna u soo sabootiyeen saaka oo uu Burco ka soo jarmaaday.

Guddoomiye Cirro oo dad weyne aad u tirro badan kulla haddlay tuulada Halaya  dulleedka bari ee Hargeysa wuxuu haddalkiisa “shacbiga Reer Hargeyysa iyo Halaya waxaanu uga mahadnaqaynaa sida diirann ee ay noo soo dhaweyeen, dhammaan dhalinyarada iyo haweenka,salaadiinta,Ma’suuliyiinta xisbiga iyo shacbiga, ee aan u kala hadhi soo dhaweyntayada,wey mahadsan yihiin,Waxaanu ku maqnayn safar shaqo,oo aanu ugu baxnay gobolka Tog-dheer,oo aad ka war-qabtaan inay ka bilaamata diwaagelinta,taas oo ah hawl qaran,oo gobolada kalena sugaysa,waxaanu ku faraxsanahay oo ididiilo weyna na gelisay wixii aanu ku soo aragnay,waxaanu ku faraxsanahay sidii ay shacabka reer Tog-dheer ugu diyaar garobeen diwaangelinta,”Ayuu yidhi Cirro

Dhanka kale Guddoomiye Cirro ayaa ka haddlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira waxaanu ugu baaqay xukuumadda iyo shacabka in loo gurmada “illaahay madar khayr qaba ha –ina siiyo,Xukuumadda iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa in dadka abaaru sameeyeen loo gurmado,waxaanu soo aragnay mujaahidiin ilaa 1991 xanuusanayey oo aan cidina bookhan,qarankana waxaanu ka codsanaynaa in loo gurmado,shacabkana waxaanu ka codsanaynaa inay mujaahidiintaa u gurmadaan.

Guddoomiye Cirro wuxuu haddalkiisa ku soo gunaanadaya sicir bararka iyo saru kaca maceeshada,waxaanu ku baaqay in la jebiyo maceeshada “Xukuumaddu waxay tidhi lacagtii hoos ayaa loo dhigay,lakiin raashinkii ayaa la qaali gareeyey,sicir bararka hoos ha loo dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...