Sweden: Wiil Qaxooti ah oo mindi ku dilay haweenay ka shaqeysa Xeryaha Qaxootiga

Date:

Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah qaxootiga iska dhiibay dalka Sweden ayaa Isniintii shalay mindi ku dilay haweenay kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya xeryaha Qaxootiga ee wadankaasi.

Falkan ayaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Mölndal, waxaana la sheegay in haweenayda ay u dhimatay dhaawacyadii kasoo gaaray mindi uu ku dhuftay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah qaxootiga halkaasi lagu hayo.

Booliiska Sweden ayaa diiday inuu xiligan shaaciyo Wadanka uu kasoo jeedo wiilkan qaxootiga ah ee dilka geystay, waxayna sheegeen inay baaritaan wadaan.

Wiilka gacan ku dhiiglaha ah ayaa waxaa la sheegay inay qabteen dadkii qaxootiga ahaa ee xerada ku jiray kahor intaan booliiska goobtaasi gaarin.

 

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xili ay Taliska Booliiska Sweden ay todobaadkan codsadeen in lagu soo kordhiyo ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 4000 (Afar kun) oo askari, si ay uga qeyb qaataan arrimaha Qaxootiga badan ee dalkaasi soogalay iyo waliba sugida amaanka.

Bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale nin asal ahaan kasoo jeeda wadankaEriteraya uu midni ku dilay labo qof oo ku sugnaa dukaanka weyn ee IKEA. Ninkaasi dilka geystay ayaa la sheegay in dowlada ay u diiday sharciga.

Wadanka Sweden oo shacabkiisa lagu qiyaaso inay gaarayaan 9.8 milyan oo qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2015, waxaa gaaray qaxooti tiradooda kor u dhaaftay 160.000 (boqol iyo lixdan kun).

 

Sweden oo horey loogu yiqiinay dalalka ugu soo dhaweynta fiican ee Midowga Yurub ayaa dhamaadkii sanadkii tagay sheegtay in xeryahooda qaxootiga ay buuxsameen isla markaana aysan qaabili karin qaxooti kale. Waxayna sheegtay in qaxootiga hada ku sugan gudaha wadankaasi aysan heysan goobo ku filan oo ay seexdaan.

Tilaabooyinka dowlada Sweden qaaday ayaa waxaa kamid ahaa inay adkeysay xaduuda ay la wadaagto dalka Denmark oo ay uga soo gudbanaa inta badan qaxootiga soo mara dalalka Giriiga iyo Germany.

Dhinaca kale waxaa wadanka Sweden bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayey cadaawada ay shacabka dalkaasi u muujinayaan dadka soogalootiga ah, waxaana jiray weeraro lagu qaaday xarumaha ay leeyihiin dadka qaxootiga ah ama soogalootiga oo ay ku jiraan masaajidada ay maamulaan Soomaalida.

 

Sweden-Dil-Xero-Qaxooti2016-2-740x370 Sweden-Dil-Xero-Qaxooti2016-1 Sweden-Dil-Xero-Qaxooti2016-0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...