Wefti balaadhan oo ka socday xafiiska qaramada Midoobay ee UNSOM oo ah waaxda ugu balaadhan ee ay hoos yimaadaan xafiisyada qaramada midoobay oo dhan oo maalmahan ba ku sugnaa Somaliland ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Madaxa banaan ee Somaliland.
Weftigan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ku bahoobay xafiiska UNSOM ayaa ujeedada kulamadoodu ku qotontay sidii ay xog dheeraad ah uga heli lahaayeen hay’addaha ay ka kulmeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, wasaaradda Warfaafinta, Ururada bulshada Rayidka ah qaarkood.
Weftigan ayaa madaxdii kala duwanaa ee ay la kulmeen ka waraystay xaaladaha ka jira xafiisyada ay masuulka ka yihiin iyo guud ahaan duruufaha ka jira, iyagoo urursanayey daraasad la xidhiidha sidii ay u ogaan lahaayeen baahiyaha jira. Weftiga ayaa danaynayey Amniga Dalka, waxaanay la kulmeen wasaaradda Arrimaha gudaha masuuliyiintooda kala duwan oo uu hogaaminayey wasiirka wasaaradaasi iyo Taliyayaasha ciidamadda kala duwan ee wasaaradaas hoos yimaada.
Sidoo kale, waxay la kulmeen masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA, kuwaas oo ay ka waraysteen xaaladda guud ee saxaafadda iyo baahiyaha jira ee u baaha n in wax laga qabto, waxaanay isweydaarsadeen xogo dheeraad ah oo la xidhiidha shuruucda saxaafadda iyo waxa sababa dacwadaha suxufiyiinta.
Weftigan ayaa la filayaa inay la kulmi doonaan madaxda sare ee Somaliland gaar ahaana Madaxweynaha iyo wasaaradaha kale ee muhiimka ah sida wasaaradda Arrimaha dibeda si ay u yeeshaan wadahadalo ku qotomo qorshaha xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM oo ahaa in uu ka shaqeeyo arrimaha siyaasadda.