In ka badan 100 Qof oo ka tirsan Adeegga dhallinyarada Qaranka Kenya (National Youth Service) ayaa ku dhaawacmay Qarax aan Rasmi ahaan loo ogeyn wuxuu ka dhashay oo Doraad ka dhacay Xero ay ku leeyihiin deegaanka Gilgil oo ka tirsan degmada Nakuru ee gobolka Rift Valley.
Sidoo kale, 10 ka mid ah dhallinyaradan Dhibbooga ku jiray, ayaa dhaawacyadooda lagu Tilmaamay inuu yahay mid halis ah; sida uu sheegay Xildhibaanka laga soo doorto Gilgil, Mathenge Nderitu oo booqday dhallinyarada dhaawacantay.
Xildhibaan Mathenge, ayaa xusay in Qaraxaas uu ahaa mid ka dhashay Koronto, wuxuuna intaas ku daray in xubnaha kale ee ku sugnaa xeradaas ay soo gaadheen dhaawacyo aanan aad u khatar badneyn.
Dhanka kale, Isaac Ndirangu oo ah taliyaha machadka tababarka ee uu Qaraxu ka dhacay, ayaa u sheegay Warbaahinta in Dhallinyaradii ku jirtay Xeradaas ayna qaadanin Amarkii madaxdooda, isagoo intaas ku daray in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay markii hore isku qariyeen fasaladooda kaddibna ay u soo carareen bannaanka, taasoo keentay inay is-jiidhaan dhalinyaradaas oo wada cararaayay.
Ugu dambeyn, Guddiga dhanka Amniga u Qabilsan Degmada Nakuru, ayaa booqday Mac-hadkaas si ay u ogaadaan Xaqiiqada arrinta halkaas ka dhacday, xilli War-fidiyeenkana loo diiday iney gudaha u galaan xarunta falkaas uu ka dhacay ee tababarka.