Ururka xagjirka ah ee Daacish/ISIS ayaa soo saarey muuqaal ama Video soconaya 17 daqiiqo kaas oo ay ku jiraan muuqaallada kuwii weeraray Paris Bishii November 2015. Cajaladda, ayaa cinwaan looga dhigay “Dila meel kasta oo aad ka heshaan”
Muuqaalka ayaa muujinaya 9 qof kuwaas oo sheegaya in ay qayb ka yihiin weeraro ka dhacaya Paris, waxay ku hadlayeen hadalo hanjabaad ah, iyaga oo sheegaya dalalka ay ka soo jeedaan.
Afar ka mid ah, ayaa sheegtay in ay u dhasheen dalka Biljimka, saddex waxay sheegteen in ay Faransiis yihiin, halka labada kale ay sheegteen Ciraaq.
Isla muuqaalka Daacish soo saareen waxaa ku jira 7 kamid ah kuwa Muuqaalka ku jira oo samaynaya falal argagax leh sida dad ay qoorta ka goyanayaan. Muuqaalka waxaa la duubay ka hor weeraradii Paris 13 November.
Dhammaan sagaalka qof waxaa la diley kadib weeraradii Paris.
Muuqaalka ayaa lagu soo xidhey hanjabaado culus iyo sawirka Raysalwasaaraha Britian David Cameron, kaas oo taageero u fidinaya dalka faransiiska kadib weeraradii Paris.