Somalia: Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Muqdisho Oo Cabsida Al-Shabaab Uga Guuray Madaxtooyadda

Date:

Warar ka imanaya dalka Somalia ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Somalia isaga guureen Xarunta Madxatooyada ee Villa Somalia. Isla markaana waxa la sheegay in wasiiraddan ay soo food saartay walaac ay ka qabaan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo sheegay in weerar ba’an ka gaysan doonaan Xarunta Madaxtooyadda.

Sidoo kale waxa la sheegay in wasiiraddani u guurayaan  Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Madaxda ugu saraysa dalka ayay soo foodsaartay cabsi, xili dalka Somalia ay ku soo qulqulayaan maleeshiyaadka Al-shabaab oo laba jibaaray duulaankii ay ku hayeen Xarumaha dawlada.

Iridka danbe ee Villa Somalia kuna sii jeeda dhanka Forolanso ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo aad u badan kuwaasi oo koofi cas ah, waxaana la tilmaamayaa in ujeedada ciidamadda meesha loo keenay tahay ka hortag weerar ku wajahan Villa Somalia.

Kooxda la Al-Shabaab ayaa goobaha dawladda ku daadiyay waraaqo digniin ah oo ku waajahan weeraro culus oo ay ka gaystaan gudaha aqalka looga arrimiyo Somalia.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonaan haddal ka soo yeedhay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kaasi oo ahaa in weeraradii Villa Somalia ay maleeshiyada Al-shabaab u weeciyeen goobaha ay ku shaaheen Bulshadu.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xil kooxda Al-shabaab Weerar iyo isqarxin la beegsadeen xeebta Liido oo inta badan bulshadda iyo madaxda dawladu ku nasato ama ku dabaashaan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...